Kulan gaar ah oo looga hadlayay u diyaar-garowga “Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo” oo ku asteysan 21-ka Febraayo ayaa shalay oo ku beegneyd 17/2/2020, waxaa lagu qabtay Xafiiska Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ee magaalada Muqdisho.

Kulankaasi oo uu Shir-guddoominayay Prof. Mustafa C/llaahi Feyruus oo ka tirsan madaxda Akadeemiyada ayaa si qoto dheer waxaa looga hadlay sida ugu haboon ee loo qaban karo xuska 21 Febraayo, waxaana halkaasi laga isku weydaarsadey  Dooddo iyo Tallooyin ku saabsan sida ugu quruxda badan ee loo soo bandhiggi karo xuska maalinta caalamiga ah ee afka hooyo.

Prof. Mustafa Feyruus oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay xubnaha AGA ee Xarunta Dhexe in looga baahan yahay inay xil gaar ah iska saaraan sidii  magaalada Muqdisho loogu qaban lahaa munaasabad weyn oo u qalnata  21 Febraayo, isaga oo u soo jeediyay Goosanka Akadeemiyada ee Muqdisho inay la yimaadaan dadaal kasta oo ku aadan hab-maamuuska maalintaasi.

Qaar ka mid ah xubnaha Goosanka AGA ee Muqdisho oo iyaguna kulankaasi ka hadlay ayaa soo bandhiggay fekarado wax ku ool u ah, iyaga oo ballan-qaaday inay dadaalkooda laba jibaari doonaan.

 Xuska 21 Febraayo ee 2020  ayaa sannadkaan ka duwan sannadihii hore, waxaana sannadkaan   qabashada xuskaasi iska-kaashanaya Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed (Somali Pen) Laantiisa Muqdisho iyo Golaha Abwaanadda Soomaaliyeed.