Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga(Aga) ee wadanka Sweden iyo waddamada Waqooyiga Qaaradda Yurub Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle {Wadaad} ayaa shalay oo ku beegneyd 18.01.2020, waxaa uu magaalada Borlänge ee dalka Sweden uga qeyb-galay Xaflad ballaaran oo lagu xusayay Naadiga Akhriska Borlänge (Book Cafe).
Xafladdaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb-galay Bulshada qaybaheeda kala duwan sida: Culamaa’udiinka, Siyaasiyiinta, Haweenka, Dhallinyarada iyo Bahda Qoraalka oo ay ka mid ahaayeen: Maxmed Deeq, Cabdiqani Xasan iyo marti sharf kale oo aad u fara badan.
Wakiilka AGA ee Sweden iyo waddamada Waqooyiga Yurub, isla markaana ah Madaxa Bahda Laashin Aqoonyahan Xuseen Maxamed Cabdulle oo ka hadlay munaasabaddaasi ayaa halkaasi ka soo jeediyay Muxaadaro qiimo badan oo cinwaankeedu uu ahaa : Qoraal, Tifaftir, Gorfeyn iyo Naqdin.
Aqoonyahan Xuseen Wadaad ayaa muxaadaradaasi si weyn ugu faaqiday mowduucii ay ku saabsaneyd, waxaana uu si faah-faahsan u sharaxay waxa ay kala yihiin Qoraal, Tifaftir, Gorfeyn iyo Naqdin.
Qaar ka mid ah ka qeyb-galayaashii munaasabaddaasi ayaa sheegay inay aad ugu riyaaqeen muxaadaradaasi, waxayna caddeeyeen in darsigaasi uu ahaa mid fiican, iyaga oo hoosta ka xariiqay inay si weyn uga faa’iideysteen darsigaasi qiimaha badan.















