Shir ballaaran oo ku saabsanaa dar-dar galinta hawlaha laanta Soomali PEN u qaabilsan magaalada Muqdisho, isla markaana lagu soo bandhiggayay go’aanadii ka soo baxay shirweynihii 6-aad  ee Soomali PEN, ayna ka soo qeyb-galeen madaxda iyo xubnaha laantaasi ayaa galabta oo ku beegneyd 16/1/2020 waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee ee naadiga Soomali PEN laantiisa Muqdisho  Marwo Dahabo Shiikh Maxamuud oo  furitaankii shirkaasi ka hadashay ayaa halkaasi ka soo jeedisay hadallo isugu jirey soo dhaweyn, mahadnaq iyo guubaabo ku aadan qaabka ugu haboon ee loo dar-dar galin karo hawlaha laanta Muqdisho, iyada oo xustay in shirweynihii 6-aad ee Somali PEN uu ahaa guul u soo hoyatay dhammaan laamaha naadigaasi.

Xoghayaha Guud ee laanta Muqdisho ee Soomali PEN Al-ustaad Axmed Maxamed Dhicisow, Kaaliyaha Xoghayaha Laantaasi Macallin Cabdulqaadir Cabdi Axmed  (Jubba) iyo Xoghayaha Abaabulka Ustaad Aadan Macallin C/llaahi {Aadamo} oo iyaguna munaasbaddaasi ka hadlay ayaa si kala gooni gooni  ah uga warbixiyay arimo la xiriira diiwaan galinta naadiga, taariikha Soomali PEN iyo u diyaar-garowga hawlaha hor-yaalo naadigaasi.

Sidoo kale waxaa shirkaasi iyana ka hadashay Seynab Xaaji Axmed (Ugbaad) oo ka mid aheyd xubnihii laanta Muqdisho uga qeyb galay shirweynihii 6-aad ee Soomali PEN, waxaana ay ka qeyb-galayaasha la wadaagatay warbixin ku saabsan qaabkii uu u dhacay shirweynahaasi iyo guulihii laga soo hooyay.

Qaar ka mid ah xubnihii naadiga ee shirkaasi ka soo qeyb-galay ayaa halkaasi ku soo bandhiggay tallooyin ku aadan hannaanka ugu wanaagsan ee loo horumarin karo shaqooyinka iyo waajibaadka laga sugayo inuu guto naadigaasi.

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee laanta Muqdisho ee Soomali PEN Barre Sheikh C/llaahi {Bangaladesh} ayaa ka sheekeeyay sida xubin looga noqon karo naadigaasi, waxaana uu iftiimiyay xubnaha cusub ee dhawaan ku soo biiray naadigaasi inay leeyihiin tixgalintooda gaar ahaaneed, isaga oo soo jeediyay in dhexda loo xerto sidii boorka looga jafi lahaa hawlaha naadigaasi.

 Guddoomiyaha naadiga Soomaali PEN ee laanta Muqdisho Cabdi-naasir Yuusuf Macallin oo gaba-gabdii shirkaasi ka hadlay ayaa si faah-fahsan uga warbixiyay taariikhda Soomali PEN iyo heerarkii kala duwanaa oo ay soo martay, waxaana uu xubnaha naadigaasi kula dar-daarmay inay nafhurnimo la yimaadaan, isaga oo  xubin walba ku boorriyay inay ka fekerto sidii uu horumar u gaari lahaa naadigaasi.