Maalintii Axadda oo taariikhda ay ku beegneyd 5-ta Janaayo 2020, waxaa hoolka shirarka ee xarunta Dhaqanka Awjaamac uu naadiga Akhriska iyo Halabuurka SPEN laanteeda Kenya ku qabtay kulan lagu gorfaynayay buugta, waa barnaamij cusub oo naadigu hadda bilaabay, bishiina laba goor la qaban doono, kanina uu ahaa kii ugu horeeyey. Waxaa ka qayb galay 12 dhalinyaro ah oo isugu jira shaqaale iyo arday.
Buugga miiska saarnaa ee la gorfeeyey wuxuu ahaa Maana-faay ee uu qoray Dr. Maxamed Daahir Afrax. Waxaa laga doodayey far-shaxannimada buugga loo qoray oo la isku raacay inuu yahay hab caalami ah.
Dhallinta waxay u badnaayeen kuwa buugaag luqado kale ah aqriyey, waxay qireen buugaasi habkuu u qoran yahay iyo farsamadiisa ay aad uga wanaagsanayd marka loo eego buug badan oo dunida taal.
Qodobada kale ee barnaamijka gorfaynta looga dooday waxaa ka mid ahaa dhaqanno ku jiray cutubka hore ee sheekada, sida qaybta; Xaaji Muumin inuu waxbarasho u diray gabadhiisa Maana-faay, maadaama tii ka weynayd uu maqabiyo kaga dhigay guriga, inay ka baxdana uu diiday.
Qaybtaasi waxay dareen gooni ah gelisay 7 gabdhood oo ka mid ahaa barnaamijka oo goobta ku sugnaa, dareenkay ka qaateen ayaa ahaa in gabadha oo wax la baraa ay ku heli karto inay garato xuquuqdeeda aasaasiga ah iyo gaashaan ay kaga badbaaddo hadimooyin kala duwan oo aqoon-daradu keento.
Gebagebadii; waxaa gorfayntii lagu sharaxay erey bixinno ku aadan Afsoomaaliga mugga weyn ee buuggu ku qornaa, qaybo ka mid ah dhalinyaradu waxay tilmaameen in ay ereyo badan oo afkooda hooyo ah ka kororsadeen intii gorfaynta socotay.
W/Diyaariyay:
Wakiilka Laanta Somali PEN ee Kenya
Maxamed Xasan Cirro