Galabnimadii maalintii ugu dambeysay sannadka 2019 ayaa Waqooyiga London waxaa lagu qabtay xaflad lagu daahfurayey buug cusub oo qalinkiisu uu lahaa Ustaad Cabdiqani Xasan oo deggen Stockholm, Sweden.
Buugga oo cinwaankiisu yahay Ababinta Toosan ayaa daahfurkiisa waxaa ka soo qaybgalay dadweyne fara badan oo isugu jira qaybaha bulshada Soomaaliyeed ee reer London.
Ustaad Cabdiqani Xasan ayaa ka warramay sababtii ku dhalisay in uu qoro buuggan iyo nuxurka uu xambaarsan yahay. Wuxuu xusay dhibaatooyinka haysta qoysaska Soomaaliyeed marka la eego carruurta ku dhashay ama ku koray qurbaha oo caqabado badani haystaan, kuwaasi oo ay ugu weyn tahay kala duwanaashaha dhaqan ee is diidaya. Wuxuu sheegay in uu muddo baarayey isagoo adeegsanaya xirfaddiisa macallinnimo iyo mid waalidba.
Munaasabadda ayaa waxaa lagu martiqaaday oo hadallo halkaa ka soo jeediyey Saynab Aaden Sharci iyo Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon oo ka wada tirsan Naadiga Qalinleyda iyo Halabuurka Soomaaliyeed (Somali Speaking PEN) iyo Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA).
Saynab oo aqoon gaar ah u leh maaddada uu buuggu ka hadlayo iyadoo ah macallimad iyo qoraa horay u soo saartay buugaag iyo agab kale oo ku saabsan waxbarashada iyo barbaarinta carruurta ayaa waxay ka soo qaybgalayaashii la wadaagtay kaalinta uu afka hooyo ku leeyahay korriinka iyo waxbarashada carruurta iyo sidoo kale xiriirka ka dhaxaynaya waalidka iyo ubadka.
Saynab Aadan waxay xustay heerarkii uu afkeenu soo maray laga soo bilaabo markii diinta islaamku ina soo gaartay oo ay culimmadii markaa joogtay ku guuleysteen in ay bulshada ugu soo gudbiyaan barashada diinta afkooda hooyo ilaa maanta oo bulshadeenu soo martay xaalado adag. Waxay kula dardaarantay waalidiinta in ay ku dadaalaan in ay baraan ubadkooda afka hooyo.
Cabdiraxmaan M. Abtidoon ayaa isna wuxuu ka warbixiyey labada hay’adood ee Naadiga Somali PEN iyo Akadeemiyada AGA. Wuxuu si gaar ah uga warramay shirweynihii 6aad ee Naadiga ee dhawaan lagu qabtay Jabuuti, iyo sidoo kale waxqabadka Akadeemiyada intii ay soo jirtay.
Saynab iyo Cabdiraxmaan oo ku hadlaya magaca Somali PEN iyo AGA ayaa waxay mahadnaq iyo bogaadin u soo jeediyeen qoraaga buugga Ustaad Cabdiqani Xasan waxayna ku ammaaneen sida uu isugu hawlay soo saarista buuggan iyo kuwa ka horreeyeyba, waxayna kula dardaarmeen ka soo qaybgalayaashii in ay ka faa’iideystaan buuggan ay maanta bulshadeena ku dhaqan qurbaha baahida gaarka ah u qabto.
Sidoo kale waxaa munaasabaddii daahfurka ka hadlay aqoonyahanno, culumaa’udiin iyo gabdho matalaya haweenka waqooyiga London.
Qoraa Cabdiqani ayaa ugu dambeyntii u mahadnaqay ka soo qaybgalayaashii iyo wakiillada Somali PEN iyo AGA oo uu sheegay in uu in muddo ahba si dhow ula shaqeynayey.