Xaflad lagu maamuusayay Seddex munaasabadood oo kala ah soo dhaweynta fanaanniin cusub oo ku soo biirtay kooxda Hido ee Golaha Abwaannadda, dhiirigalinta Wakiillada Golaha Abwaannada ee deegaannada K/Galbeed iyo Galmudug iyo dabaal-degga sannad-guuradii Kowaad ee dhalashada Afhayeennada Bulshada ayaa 27/12/2019 waxaa lagu qabtay xarunta Golaha Abwaannada ee magaalada Muqdisho.
Furitaankii munaasabaddaasi waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Abwaannadda Md, Xirsi Dhuux Maxamed oo sheegay inuu Golahoodu ku faraxsan yahay qabashada Seddexda munaasabaddood ee is-biirsadey, waxaana uu caddeeyay munaasabad kasta in ay leedahay qiimaheeda u gaarka ah, isaga oo iftiimiyay dadaalka uu Golaha Abwaannada ugu jiryo horumarinta Suugaanta iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.
“Wakiillada Golaha ee K/Galbeed iyo Galmudug Abwaan Maxamuud Maxamed Tarash iyo Cali Sheikh Axmed (Cali Duul-duul) waa abwaanno taariikh fiican ku leh fanka Soomaaliyeed, waxaana ku faraxsan ahay inaan ku soo dhaweeyo xarunta Golaha ee magaalada Muqdisho, Sidoo kale waxaa fursadaan kaga faa’iidaysanayaa inaan halkaan ku soo dhaweeyo dhallinyarada cusub ee ka mid noqotay kooxda Hido” ayuu yiri Abwaan Xirsi Dhuux oo dhinaca kale sheegay inuu u hambalyeynayo guud ahaan bahda Afhayeennada Bulshada Soomaaliyeed oo u dabaal-degaya sannad-guuradii Koowaad ee dhalashadooda.
Munaasabaddaasi waxaa iyaguna ka hadlay Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Abwaannadda Axmed Saciid Cali, Khaliif Axmed Cilmi, Axmed Abuukar Abunaa, Nuuro Maxamed Sahal, Cumar Nuur Baansharax iyo Al-fanaan Xasan Xaaji, kuwaasi oo sheegay inay si wadajir ah u soo dhaweynayaan Wakiilada Golaha ee soo booqday xarunta Golaha ee magaalada Muqdisho iyo dhallinyarada ku soo biirtay kooxda Hido, iyaga oo dhinaca kale bogaadiyay Gu’ jirsiga xiriirka Afhayeenanda Bulshada Soomaaliyeed.
Qaar ka mid ah abwaannadii ka soo qeyb galay munaasabaddaasi ayaa xafladdaasi ku soo bandhigay suugaan kala duwan oo aad loo jecleystay.














