Shirweynihii 6-aad ee naadiga qalinleyda iyo hal-abuurka Soomaaliyeed (Somali PEN) oo intii u dhaxeysay 21-23/12/2019 ka socday magaalada Jabuuti ayaa si Dimoqoraadi ah waxaa loogu doortay Guddoonka cusub iyo Guddiga Fulinta ee hogaamin doono naadigaasi labada sanno ee soo socota.
Madaxda cusub ee shirweynahaasi lagu doortay ayaa waxaa ka mid ah “Odayaasha Naadiga Somali PEN” oo loo doortay Saciid Jaamac Xuseen, Xaashi C/llaahi Orrax, Macallin Saciid Saalax Axmed, Qoraa Axmed Faarax Cali (Idaajaa), Cali Muuse Ciye, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame {Hadraawi}, Qoraa Nuuradiin Faarax iyo Safiir Maxamuud Dirir, waxaana Guddoomiye Sharafeedka joogatada ah ee Somali PEN loo doortay Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ah aas-aasihii naadigaasi.
Guddoonka cusub ee Somali PEN ayaa iyana waxaa loo kala doortay Md, Ismaaciil Xuseen Taani Guddoomiye, Bare Sare Mustafa C/llaahi Feyruus Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Abwaan Axmed Aw-geedi Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad iyo Dr. C/raxmaan Yaasiin oo noqday La-taliyaha Guddoomiyaha Somali PEN.
Sidoo kale waxaa shirweynahaasi lagu doortay Xoghayaha Guud ee Somali PEN iyo Ku-xigeenkiisa Md, Ismaaciil Cabdi Axmed iyo Md, Maxamed Rashiid, waxaa kaloo halkaasi lagu doortay Md, Saciid Daa’uud Xoghayaha Maaliyadda, Dr. Sagal Maxamed Jaamac Ku-xigeen, Dr. Nimcaan Xoghayaha Warfaafinta, Hibaaq Maxamed Cusmaan Ku-xigeen, Cumar Yuusuf Cali Xoghayaha Abaabulka, Filsan Cabdi Cusmaan Ku-xigeen, Aamino Nuur Xoghayaha Tababbarada, Faadumo Maxamed Ku-xigeen, Cabdalla Xaaji Cusmaan Xoghayaha Keydinta iyo Aamino Cusmaan oo Ku-xigeen ah.
Intii uu socday shirweynahasi waxaa kaloo lagu dooraty Wakiilada Laamaha Somali PEN, waxaana loo kala doortay Dr. Maxamuud Maxamed C/llaahi (Jigjiga), Maxamed Xasan Cirro (Kenya), Cabdi-naasir Yuusuf Macalin (Muqdisho), Farduus Saciid Dirir (Hargaysa), Maxamed Sheikh Xasan “Afguriye” (Garowe), Cabdi-raxmaan Abtidoon (Yurub), Seynab Daahir (UK), Macallin Saciid Saalax Axmed (Waqooyiga America) iyo Yuusuf C/laahi Xasan (Sweden).
Madaxda cusub ee loo doortay Somali PEN ayaa waxa ay isugu jiraan aqoonyahanno caan ku ah u hiilinta afka, dhaqanka iyo hal-abuurka Soomaaliyeed.

















