Shirweynihii 6-aad ee naadiga PEN ee qalinleyda iyo hal-abuurka Soomaaliyeed (Somali PEN) oo magaalada jabuuti ka socday intii u dhaxeysay 21-23/12/2019, laguna doortay Guddoonka cusub iyo Guddiga Fulinta ee Somali PEN ayaa 23/12/21019 waxaa lagu soo gaba-gabeeyay xarunta Baarlamaanka Jabuuti.

Munaasabaddii xiritaanka Shirweynahaasi ayaa waxa ka soo qeyb-galay Madaxweynaha Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul-wasaaraha Jabuuti, Wasiiro, Xildhibaanno, Safiiro, Guddoomiye Sharafeedka Somali PEN, ahna aasaasihii naadiga qalinleyda iyo hal-abuurka, hogaanka cusub ee Somali PEN, aqoonyahanno, qorayaal, abwaanno iyo marti sharaf aad u fara badan.

Xiritaankii shirweynahaasi ayaa ugu horeyntii waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Sharafeedka Joogtada ah ee Somali pen, ahna aasaasihii Naadigaasi Dr. Maxamed Daahir Afrax, waxaana uu caddeeyay bahda qalinleyda iyo hal-abuurka Soomaaliyeed inay Madaxweynaha Jabuuti ugu bishaareynayaan in lagu guuleystay garab-galkiisii naadiga, waxaana uu iftiimiyay in ujeedadu ay tahay sidii PEN loogu celin lahaa halki lagu yaqiinay, isaga oo Madaxweyne Geelle uga mahadceliyay taageerada uu la garab taagan tahay arimaha afka, dhaqanka iyo hal-abuurka Soomaaliyeed.

Safiirka Dawladda Jabuuti ee wadanka Soomaaliya Aadan Xasan Balaloow iyo Wasiirka arimaha Islaamka, Dhaqanka iyo Awqaafta dalka Jabuuti Md, Muumin Xasan Barre oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay sida quruxda badan ee uu ku soo gaba-gaboobay shirweynihii 6-aad ee PEN, waxaana ay caddeeyeen inay ka go’an tahay gacan-siinta madaxda cusub ee loo doortay naadigaasi.

Madaxweynaha Jamahuuriyadda Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geelle oo shirweynaahsi soo xiray ayaa sheegay ujeedadii afka Soomaaliga loo qorey inay aheyd sidii afka loo nooleyn lahaa, isla markaana loogu shaqeyn lahaa, waxaana uu tibaaxay haddii aan afka Soomaaliga loo hiilin inuu dayac la soo gudboonaanayo, isaga oo balanqaaday inuu ku dadaalayo sidii loo xajin lahaa ilaalinta afka hooyo.

”Ma qurux badna sida loogu cayaarayo qoraalka afka Soomaaliga, waxaana soo jeedinayaa in la ilaaliyo shaqalladiisa iyo xarfaha laba-laabma, waxaana jeclaaan lahaa in qaanuun loo sameeyo qoraalka farta Soomaaliga” ayuu yiri Madaxweyne Geelle oo dhinaca kale soo dhaweeyay guushii laga gaarey shirweynihii Somali PEN, isaga oo u hambalyeeyay Guddoonka cusub ee lagu doortay shirweynahaasi.

Munaasabaddii xiritaanka shirweynahaasi waxaa laga akhriyay War Murtiyeedkii ka soo baxay shirweynahaasi, waxaana halkaasi ka soo jeediyay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Somali PEN Bare sare Mustafa C/llaahi Feyruus, iyada oo War-murtiyeedkaasi ay qododbadiisa ka mid ahaayeen:- Dardar-gelinta Somali PEN iyo xoojinta hawlaha uu qabto; adkaynta iyo wada shaqeynta hay’adaha ku hawlan arrimaha afka iyo dhaqanka, kobcinta kaalinta AfSoomaaligu uu ku leeyahay waxbarashada aasaasiga ah, Tayeynta iyo dhiirigalinta qoraalka iyo hal-abuurka, Ka shaqaynta habaynta iyo midaynta AfSoomaaliga iyo qoddobo kale oo waa-weyn.

Intii ay socotay munaasabaddaasi waxaa lagu soo bandhiggay filim ka hadlayay waxqabadkii Somali PEN, waxaana dhinaca kale halkaasi suugaan aad loo jecleystay ka soo jeedisay Guddoomiye Ku-xigeenka laanta Somali PEN Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya Dahabo Shiikh Maxamuud.

Shirweynihii 6-aad ee Somali PEN oo muddo Seddex maalmood ah ka socday magaalada Jabuuti ayaa Guddoomiye waxaa loogu doortay Md, Ismaacil Xuseen Taani, halka Ku-xiggeenno loo kala doortay Prof. Mustaf C/llaahi Feyruus iyo Abwaan Axmed Aw-geedi, iyada oo sidoo kale halkaasi lagu doortay xubnaha Guddiga Fulinta iyo Guddoomiyaasha Laamaha Somali PEN ee gayiga ay Soomaalida degto iyo qurbaha.