Shirweynihi lixaad ee Somali PEN oo maalintii shalay aheyd ka furmay magaalada Jabuuti ayaa maanta galay maalintii labaad ee uu shirweynahaasi ka soconayo wadanka Jabuuti, waxaana shirweynahaasi maanta looga hadlay qoddobo ay ka mid ahaayeen marxaladihii ay soo martey Somali PEN, mirihii laga dhaxlay iyo himilada ay hiigsanayso.

Fadhiga maanta oo aad u xiiso badnaa ayaa waxaa ka qeyb-qaadanayay Guddoomiye Sharafeedka Somali PEN, ahna aas-aasihii naadiga qalinleyda Dr. Maxamed Daahir Afarx, Ismaaciil Taani iyo Xaashi Cabdullaahi Orrax oo ka mid ah odayaasha naadiga Somali pen, Macallin Maxamuud oo ka mid ah masuuliyiinta Somali PEN ee Jig-jiga iyo Bare sare Mustafa C/llaahi Feyruus, waxaana fadhigaasi daa-dihinayay abwaan Saciid Saalax Axmed.

Guddoomiye sharafeedka Somali PEN, ahna aasaasihii naadiga qalinleyda iyo hal-abuurka Soomaaliyeed Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa si qoto dheer uga hadlay taariikhda Somali PEN, heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay, baahidii keentay in la abuuro, dadaalkii ay u gashay xoojinta afka, dhaqanka iyo hal-abuurka, hakidkii ku yimid hawlaheedii iyo himilada cusub oo ay haatan hiigsanayso.

“Somali PEN waxaa la unkay 1996-kii, waxay xiriir la leedahay PEN International, ujeedada loo aasaasay waxa ka mid ah suugaanta iyo dhaqanka inaaan xuduud loo yeelin, in la difaaco xuquuqda qorayasha iyo qoddobo kale, tirsi ahaan Somali PEN waa xubintii 43-aad ee ku biirto PEN-ta caalamiga ah” ayuu yiri Dr. Afrax oo caddeeyay in Somali PEN ay dhashay bandhig buugeeyda Soomaaliya lagu qabto isla markaan ay soo kordhisay erey bixino cusb oo badan.

Guddoomiye Dr. Afrax oo hadalkiisa sii wata ayaa iftiimiyay in Somali PEN ay mar gaartey meel aad u sarreysa, waxaana uu ku nuux -nuuxsadey in haatan la joogo waqtigii la dar-dar galin lahaa, isaga oo u mahad celiayay Madaxweynah Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geelle oo uu ku tilmaamay geesi u taagn hiilka afka, dhaqanka iyo hal-abuurka Soomaaliyeed.

Prof. Afrax kadib waxaa madashaasi ka hadlay oo warixinno kala duwan halkaasi ka soo jeediyay Ismaaciil Taani iyo Xaashi Cabdullaahi Orrax oo ka mid ah odayaasha naadiga Somali pen, Macallin Maxamuud oo ka mid ah masuuliyiinta Somali PEN ee Jig-jiga iyo Bare sare Mustafa C/llaahi Feyruus oo soo bandhigay baahida loo qabo soo celinta kaalintii Somali PEN.

Shirweynhaan oo si ballaaran looga shaqeeyay ayaa suugaan aad loo jecleystay waxaa soo ku soo bandhigtay Dahabo Shiikh Maxamuud oo ah Guddoomiye Ku-xigeenka laanta Somali PEN ee Koonfurta iyo Bartamha Soomaaliya, dhnaca kale qaar ka mid ah ka qeyb-galayaasha shirkaasi waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin hannaanka quruxda badan ee uu u socda shirweynahaasi, waxayna tilamaameen inay ka rajaynayaa inay guulo wax ku ool ah ka soo bixi doonaan.