Bandhig aad u qurux badan oo loogu tala-galay Daah-furka buug cusub oo ka hadlayo arimaha Dawladnimada Soomaaliya, ayna ka soo qeyb-galeen aqoonyahanno, Abwaanno, Qorayaal, Fannaaniin, ehelada afka, dhaqanka iyo hal-abuurka, Saxafiyiin iyo dhallinyarada danaysa akhriska iyo qoraalka ayaa 18/10/2019 waxaa lagu qabtay magaalada Baydhabo.
Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomalaiga (AGA) ee K/Galbeed Prof.Maxamed Cali Kalaay oo munaasabaddaasi ka hadlay ayaa si faah-faahsan uga warbixyay muhiimada uu leeyahay qoraalka, waxaana uu dhallinyarada daneysa akhriska iyo qoraalka uu ku guubaabiyay inay sii kordhiyaan qoraalkooda, isla markaana ay ku dadaalaan sidii ay u tayeyn lahaayeen buugaagta ay soo bandhiggayaan.
“Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) waa xarun aqooneed loo abuuray daryeelka iyo horumarinta AfSoomaaliga iyo hal-abuurkiisa suugaaneed. Waa madal ay ku bahoobeen dalalka Geeska Afrika ee Soomaalidu degto, AfSoomaaligana lagaga hadlo, Halkudhegga Akadeemiye-Goboleedkuna waa hiilka afka hooyo iyo hal-abuurkiisa” ayuu yiri Prof. Kalaay oo ka qeyb-galayaashii bandhiggaasi uga warbixinayay hadafka iyo halkudhigga AGA.
Munaasabaddaasi waxaa isna ka hadlay qoraaga buugga Aweys C/laahi Ibraahim oo ka sheekeeyay sababaha ku dhaliyay qoraalka buugaasi, isaga oo si kooban uga hadlay macluumaadka uu xambaarsan buugiiisa.
Madashaasi oo ay goob joog ka haayeen masuulyiin iyo dadweyne aad u fara badan ayaa waxaa soo qaban-qaabiay naadiga akhriska iyo qoraalka ee Baydhabo.