Dhigane-buugeedkan halkudheggiisu lammaan yahay ee ah: ‘’War helaa tala hela.’’ ‘’Qaamuuska Siyaasiga Da’da yar.’’ Ee aan isugu nimid maanta madashan bilan, soo bandhiggida daabacaadiisii koowaad iyo baalfurka aqoon wadaagiisa. Oo leygu sharfey inaan ka mid noqdo falanqeeyayaashiisa.

Inta aanan u gelin faaqidaadiisa. Waxaan marka hore ammaan iyo bogaadin u jeedinayaa xildhibaanad Drs: Maryan Cariif Qaasin. Oo ah taabageliyaha dhiganahan sooyaal-buugeed halqoridiisa. Oo aan uga mahadcelinayo dadaalkii dheeraa ee ay ku bixisey iyo waqtigii faraha badnaa ee ay u hurtey. Sidii ay uga miradhalin laheyd hadafkeedii ahaa iney keyd qoraaleed sooyaaleed u taabageliso jiilalka danbe ee dhalan doona timaadadooda ifka. Waxaan iyana mahadcelin gaar ah iga mudan inaan halkan uga jeediyo goosanka AGA iyo intii kale kala qeybqaadatey suurtagelinta barkulankeena maanta. Haddaan mahadcelinta intaa uga gudbo oo aan u galo baalfurka buugga aqoon wadaagiisa sooyaaleed.

Baalfurka Buugga Aqoon Wadaagiisa.
Haddaan ku hormaro halkudhegga buugga la siiyey lammaanta magac-bixintiisa ah: ‘’War helaa ta hela. Qaamuuska siyaasiga da’da yar.’’ Boqolkiiba boqol waa halkudheg la asiibey xulashadiisa oo heemaaliyey magac siinta buugga. Waa halkudheg ka tarjumaya xogta sooyaal-aqooneed ee lagu ururiyey baalashiisa. Waa halkudheg dhumuc weyn halbeeggiisa oo ku qotoma falsafad gundheer macna-gudbintiisa. Haddaba lammaanaanta halkudhegga buugga ee kala ah: ‘’War helaa ta hela. Iyo Qaamuuska siyaasiga da’da yar.’’ Haddaan kala qaadno oo aan mid waliba gaarkiisa u faaqidno. Si aan wax uga ogaano halbeegga mugweynidiisa howraareed.

Haddaan ku hormaro halkudhegga koowaad ee ah: War helaa tala hela. Faaqidaadiisa howraareed. Waa halkudheg dhumuc cusleeyey magac bixinta buugga oo sameynaya macna weyn oo soo jiidasha leh. Asal ahaan halkudheggani ‘’War helaa tala hela’’ waxaa laga soo ergistey maahmaahihii hore ee Soomaaliyeed ee abkeenii hore ka dhaxalney ee tisqaadey. Haddaba maahmaahdaa markaan eegno macna-gudbinteeda. Waxay innoo tusmeysaa: Hab-dhaqan nololeedka wanaagsane bulshada maareynta qalad-sixida qardoofooyinkeeda.

Tusaale ahaan, haddii ay xaalad la soo gudboonaato bulshada ama ay wax kala gaaraan dhexdeeda, habka ugu habboonee loo xaliyo tusmeynteeda. Si ay bulshadu uga fogaato qas iyo qallalaase u horseeda tafaraaruq kala geeya isku duubnida wadajirkeeda ummadeed. Haddaba Inta aanan u gelin faaqidaada halkudhegga: ‘’War helaa tala hela.’’ Aan soo qaato maahmaahda kale oo ah: ‘’Nimaan baran tagtadiisa, ma garto timaadadiisa.’’ Maahmahdani waxay kaabeysaa arragtida falsafadeed ee ay ku saleysan tahay tan hore ee halkugga looga dhigey buugga. Oo uu micnaheedu yahay: ‘’Taariikhdii abkaadii hore suuldaarooyinka gefafkoodii tegey oo aad barataa sooyaalkooda. Waxay kuu noqotaa cashar dhaxalgal ah oo ku cibraqaadasha leh oo aad ku maareyso wixii kula soo gudboonaada hadba timaadadooda.’’

Sidaan wada ognahay Jiil waliba oo bulsheed waayahooda jiraaleed. Wixii surma seegtoooyin ka dhacay. Qaladaadkii turaantureeyey ee geyeysiiyey in la duudsiiyo dhaxalka aayahooda ummadeed ama dhaawacay qabka sharafkooda bulsheed ee laga qoomameeyo teeriyo maantadan aynu joogno eelka laga dhaxley uurkutaalladeeda. Haddii ay u keyd dhigaaliyaan faca danbe ee dhaxli doona. Waxay u noqotaa cashar caaqibo leh oo ay ku cibraqaataan, waxna kaga bartaan hadba gefafka suuldaarooyinkii jiilkii ka horeeyey aaney mahadin falidooda. Si aaney ugu kedsoomin oo ay uga digtoonaadaan iney ku dhacaan qaladaad la mid ah ama u dhigma oo wax u dhimi kara danwadaagta aayahooda bulsheed.

Waa taa falsafada maahmaahdu ay xambaarsan tahay: ‘’Nimaan baran tagtadiisa, timaadadiisana ma garto.’’ Macna-gudbinta ujeedkeeda howraareed. Isku soo wada duuboo, Jiil waliba haddii uu barto surma seegtooyinkii facii ka horeeyey ee ay eedeen sooyaalka tagtadooda. Waxay noqdaan jiilkaasi kuwo u dhug yeesha hadba wixii u dana ee baraareyn kara iyo waxa u daran ee hoog iyo hallaag u horseedi kara aaney ka soo sawaaqsan jabkooda. Sidaa awgeeda, waxay noqdaan kuwa feejigan had iyo jeer oo u toog haya dhibaata kasta oo la soo derista ama ku soo fool leh maareynta timaadada. Maadaama ay cashar ka barteen suuldaarooyinkii ay facii iyaga ka horeeyey faleen eelka gefafkoodii turaantureeyey sooyaalka tagtadooda.

Haddaan dib u milicsano hab-dhaqan nololeedkii Soomaalideennii hore intii aaney magaaloobin ka hor garsoorkeedii toolmoonaa sidii uu ahaa, habkii ay u xalin jireen qillaafoodka dhexdooda. Waxaa hidde soo jireena u ahaa ab ka ab. Haddii ay wax kala gaaraan ama uu dhib dhaco daweyntiisa. Waxaa loo bixin jirey xeerbeegti xulantiya oo lagu kalsoon yahay gargelyeyntooda. Xeerbeegtida hadba loo saanto dhibka dhacey xalintiisa, inta aaney guda gelin dhinacyada is qabtey wax ka dhihidooda. Kulankooda koowaad ee ay ka yeeshaan howsha loo igmadey. Waxay is weyddiin jireen. Dhibka dhacey aan u joogno xalkiisa ma ugub baa mise waa soo jireen?

Haddii uu noqdo soo jireen waxaa la is weyddiin jirey. Maxay ku xalin jireen dadkeenii hore oo xeer u ahaa?. Intaa kaddib xalku wuu fududaan jirtey oo waxaa lagu dhaqi jirey eelka dhacay hadba xeerkii horey uga yiilley daweyntiisa. Haddiise uu ugub yahay oo aan horey loo arrag isagoo kale. Waxaa la guddoonsan jirey xeer u goyntiisa. Dabadeedna lagu xalin jirey dhibkii loo madlanaa daweyntiisa. Sidaana ku dhaqan geli jirey oo haddii mar kale la muto lagu maareyn jirey.

Haddaba waxaan halkaa ka fahmeynaa talo la helaa in ay ka horeyso in war la helo oo ku aadan xaalada murugsan ee markaa taagan. Maxaa yeeley xaajo kastoo soo derista, haddii aan loo dad badsan xuuraansiga warkeeda. Si talo wax ku ool ah loogu helo daweyntiisa. Sida ay inoo qeexeyso maahmaahdan ah: ‘’Xaajo haddii aan sidii daba ari loo feydin xalkeed lama gaaro.’’ Markaa wey adkaaneysaa xal u helida dhibka murugsan haddii aan loo dad badsan in talo loo helo maareyntiisa. Sidaa daraadeeda, ayaa tala helidu uga horeysaa war helidu, oo markii war la helo uun baa talo la helaa wax ku ool ah. Sidii horeyba loogu maahmaahey: ‘’Wareer cawo waa loo waaberiistaa.’’
Qaamuuska Siyaasiga Da’da yar:

Weer-howraareedan lagu suntey buugga u magac bixintiisa lammaan. Waa kan heemaaliyey halkudhegga buugga ee biley muuqaalka toolmoonidiisa. Haddaba markaan eegno macnafurka halbeeggiisa. Waa halkudheg macna weyn sameysanaya ku suntanaantiisa buugga. Nasiibwanaag aan maanta ka horow cidi asiibin oo loo baahnaa mar hore iney gartaan qalinmaalka Soomaaliyeed helidiisa howraareed. Marka loo eego muhiimada uu leeyahay mugweynida bartilmaalmeedkiisa. Taasoo ay ku ammaanan tahay ditooreysadu sida uu Eebbe u garansiiyey helidiisa.
Haddaba halkudhegga ‘’Qaamuuska siyaasiga da’da yar.’’ Markaan eegno macnafurkiisa howraareed. Wuxuu xambaarsan yahay laba macne oo kala ah:

Macnaha koowaad: Waa hab-qoraaleedka buugga lagu saleeyey dhigaalkiisa. Haddii aad ogeydeen Qaamuus, ama Erey-koobe. Waxaa maanta hortiina yaalla sooyaal koobe buugeed. Wuxuu koobayaa in ka badan lixdan sanno taariikhdii ummada Soomaaliyeed ay soo martey sooyaalka jiraalkeeda.

Micnaha labaad: Waa bartilmaameedka buugga qeyb-bulsheeda uu diirada saarayo ka faa’iidesigiisa. Guud ahaan bulshada u qoridiisa ka sokow taa marka laga tago. Wuxuu si gaara ugu wajahan yahay dhallinyarada hannaqaadey, kaddib qaran burburkii dalkeena colaadihii sokeeye ee sababey is barbaryaacii dowlad la’aaneed ee muddada dheer. Ku barbaartey qaskiyo qallalaasaha dabadheeraadey; inuu kaalin ka geysto garaad kobcintooda sooyaaleed. Gaar ahaan intooda daneyneysa iney ku biiraan masraxa siyaasada. Oo uu cashar u noqdo caaqiba leh oo ay wax kaga bartaan taariikheedii dadka Soomaaliyeedee soo meertey tagtadeeda. Wixii surma seegtooyin qaladaad horey loo galey ee turaantureeyey bulshadeenii hore waxna u dhimey masiirka aayahooda ummadeed ee la gocdo teeriyo maantadan aynu joogno eelka ay reebeen mahadhadooda.

Maadaama da’yarta kacdey kaddib burburkii haatan ay yihiin madaxdii berito dalka hoggaamin laheyd. Sidaa darteedna, looga fadhiyo iney saxaan wixii suuldaarooyin ummadeedee horey u dhacay ee aan la mahadin cidhibtooda. Waa buug loogu talagaley dhallinyarada inuu tixraac u noqdo dhacda werintiisa sooyaaleed ay wax kaga bartaan taariikhdii abkoodii hore gaar ahaan qaladaadkii ay kala galeen xukuumadihii kala duwanaa ee dalka horey u soo marey hoggaankiisa. Si ay uga shidaal qaataan gudashada xilkaa culusee sugaya beri qaadistiisa.

Dhigane-buugeedkaan koobidiisa-sooyaaleed, wuxuu si cilmiyeysan oo raadraac leh ugu iftiiminayaa guud bulshada gaar ahaan dhallinyayarada dooneysa iney ku biiraan masraxa siyaasada. Galdaloolooyinkii Lixdankii sannee ugu danbeeyey surma seegtooyinkii dhacey ee ay u naafteen dadka Soomaaliyeed sooyaalka tagtadeeda.

Dul ahaan buuggan ‘’War helaa tala hela. Qaamuuska siyaasiga da’da yar.’’ Xog-taariikheedka lagu keyd dhiggaaliyey baalashiisa. Wuxuu ka kooban yahay labaatan cutub oo uu mid waliba uu leeyahay farac hoosaadyo u gaar ah. Haddaanse labaatankaa cutub aan isku soo xeerino. Waxaan ku soo ururin karnaa afar xilli-taariikheed oo kala ah:
1. Xilligii neecowda xoriyada intii u dhaxeysey1950-1960kii.
2. Xilligii madax bannaanida dalka iyo xukuumadihii rayidkee u kala danbeeyey. sannadihii 1960kii-1969kii.
3. Xilligii kacaanka ciidamadu la wareegeen hoggaanka dalka dabayaaqadii 1969kii-1990kii.
4. Xilligii colaadihii sokeeye ee qaran burburku dhacey 1990kii-2018kii.

Xilligii Neecowda Xoriyada. 1950kii-1960kii.
Inta aanan u gelin xilli-Sooyaaleedkan dhacda-werintiisa taariikheed. Marka hore waxaa xusid mudan buugguna iftiiminayaa: Labadii gobolee midowdey {Waqooyi iyo Koonfur} mar ay gacanta Ingiriiska ku jireen mudda gaaban, intii u dhaxeysey: 1941kii illaa 1949kii. Kaddib markii uu xoog kagala wareegey gobollada Koonfureed Taliyaaniga. Mar ay gobollada koonfureed ka baxeen gacantiisa oo la hoos geeyey Qaramada midoobey iney dusha kala socoto xornimo gaarsiintoda, oo ay u wakiilatey dowladii Taliyaaniga. Iney u diyaariso barashada hannaanka dowladnimo muddo ku siman toban sanno oo aheyd: 1950kii illaa 1960kii. Si loogu wareejiyo xilka dalka dadka Soomaaliyeed marka la gaaro xilliga loo madley xoriyad siintooda qarannimo.

Haddaan u soo noqdo xilli-sooyaaleedka neecowdii xoriyada gaar ahaan gobollada Koonfureed. Waa xilligii ay bilaabatey gurashada mirihii ka dhashey halgankii gobonimodoonka ee muddada dheer socdey. Waa xilli-sooyaaleedka la dhedhemiyey neecowdii xoriyada saxansada uduggeeda. Haddaanse qaar ka mid ah dhacdooyinkii gundhigga u ahaa xuso, waxaa ka mid ah:
1. Taariikhdii dowlad barashadii Soomaaliyeed.
2. Unkidii baarlamaankii ugu horeeyey daaqiliyada.
3. Tirada mudanayaashii uu ka koobnaa golahaasi.
4. Mudanihii loo doortey guddoonkiisa sare.
5. Dhismihii xukuumad ku meelgaara iyo meelmarinteedii.
6. Reysal-wasaarihii loo doortey iyo xukuumadiisa.
7. Magacyada xubnihii uu magacaabey tiradooda.

Xilligii Madaxbannaanida Dalka xoroobidiisa.
Xilli-taariikheedkan wuxuu koobayaa dhacda-werintiisa sooyaaleed intii u dhaxeysey sannadihii 1960kii-1969kii. Madaxbannaanidii dalka Soomaaliyeed. Anbaqaadkii dowlad xor ah iyo xukuumadihii rayidkee u kala danbeeyey hoggaankiisa. Haddaba xilli-sooyaaleedkii madaxbannaanida, dhacdooyinkiisa soo meerey haddaan dhowr qoddob dulmar ahaan u xuso waxaa ka mid ah:

1. Xoriyad soo dedejintii dhagareedee gumeysigii Ingiriiska ee gobollada Waqooyi.
2. Xoriyad qaadashadii gobollada Koonfureed.
3. Habeenkii calansaarka iyo midowgii labada gobol Waqooyi iyo Koonfur.
4. Dhismihii dowlad Soomaaliyeed oo madaxbannaan.
5. Unkidii golihii baarlamaankii 1aad ee dalka xoriyada kaddib.
6. Doorashadii madaxweynihii koowaad ee dalka.
7. Magacaabistii reysul-wasaarihii koowaad iyo xukuumadiisa.
8. Tuhunkii kala galey Waqooyi iyo Koonfur kaddib magacaabista R/W koowaad.
9. Diyaarintii dastuurkii ugu horeeyey ee dalku yeesho iyo u codeyntii bulshada.
10. Ismaandhaafkii kala galey SYL kala jabkoodii sababey hungadii shacabka.
11. Mucaaraddadii abuurantey iyo tirabeelkii xisbiyada oo xaaladii sii cakirey.
12. Doorashadii Reysal-wasaarihii 2aad ee dalka iyo xukuumadii uu dhisey.
13. Doorashadii madaxweynihii 2aad ee dalka.
14. Doorashadii Reysal-wasaare Ibraahin Xaaji Cigaal iyo xukuumadiisa.
15. Qoonsimaadkii siyaasadii Cigaal ee u janjeertey reer galbeedka.
16. Ku tartankii quwadaha waaweyn dalka Soomaaliyeed.
17. Hannashadii dalka Soomaaliyeed midowga Soofiyeeti iyo isbaheysigii Waarso iyo baraarugii Mareykanka iyo Naato ka farabixintii geeska afrika.
18. Saameyntii uu dagaalkii qaboobaa ee quwadaha waaweyn ku yeesheen dalka Soomaaliyeed.
19. Boobkii doorashadii kuraasta baarlamaankii seddaxaad iyo ku shubashadii doorashada.
20. Jahwareerkii siyaasadeed ee doorashadaa laga dhaxley ku shubashada boobkeeda.
21. Geeridii madaxweyne Sharma’arke, sannadkii la diley iyo cidii dishey iyo kuwa kale.

Dhammaan qoddobadaa iyo kuwa kaloo ka sii badan. Waxaad kaga bogan kartaa faahfaahintooda dhacdo-tebineed dhigane-taariikheedkan halkudheggiisu yahay: ‘’War helaa tala hela. Qaamuuska siyaasiga da’da yar.’’
Fiiro gaar ah: dhallinyarada joogta madashan lagu soo bandhigayo buuggaa aan soo xusey magaciisa. Tusaale ahaan, dhacda-werintiisa sooyaaleed haddii laydin weyddiiyo su’aallaha soo socda maxaad ku jawaabi laheydeen:
1. Sheeg taariikhdii la daahfurey baarlamaankii xukuumadii daaqiliyda maalinta bisha iyo sannadka?
2. Immisey aheyd tirada mudanayaashiisu?
3. Sheeg magaca mudanihii loo doortey guddoonkiisa sare?
4. Sheeg xukuumadii uu dhisey AHN C/laahi Ciise tirada xubnaheedii iyo magacyadooda?
5. Sheeg taariikhdii ay dhacdey is-casilaadii C/laahi Ciise maalinta, bisha iyo sannadkaba?

Anigoon wada gaarin gorfeynta buugga: ‘’War helaa tala hela. Qaamuuska siyaasiga da’da yar.’’ Qeyb yaroo ka mid ah cutubyadiisa oo la ii xilsaarey, ayaan dulmar guud ku iftiimiyey lafagurkeeda. Ugu danbeyntii, waxaan falanqeynteyda ku soo gebagebeynayaa in loo dhug yeesho akhriskiisa. Dhigane-buugeedkan loogu magacdarey halkudheggiisa: ‘’War helaa tala hela. Qaamuuska siyaasiga da’da yar.’’ Oo aan hubo akhristow inaad wax badan ka faa’iidi doonto akhriskiisa buuggaa aan soo xusey oo horey kaaga dahsoonaa ogaalkooda.

Waad mahadsan tihiin.

W/D: C/llaahi Shiikh Cabdi Aadan (Gacanka)