Carwadii buugaagta Garoowe oo maalintii labaad si habsami leh uga socota magaalada Garoowe ayaa nasiib wanaag waxaa maanta lagu soo bandhigay Gorfeyn gaar ah oo ku saabsan buugga sheekada caan baxday ee Maana-faay, taasi oo ah Boqoradda sheekooyinka Soomaalida.
Faaqidaadda buugaas oo aad loo jecleystay ayaa waxaa ka qeyb-galay Prof Mustafe c/llaahi Feyruus, Aqoonyahan Maxamad Shiikh Xasan (Af-guriye) iyo Qoraa, Macallimad Dayax Axmed Maxamed oo dhamaantood ka tirsan hawl-wadeenka sare ee Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), waxaana gorfayntaas xiriirinayay Bashiir Cabdulqaadir Suuley.
Dhinaca kale, ka qeyb-galayaasha bandhiggaas ayaa si weyn waxaa u soo jiitay buugga Maana-faay oo ka mid ah buugaagta lagu soo bandhiggay carwadaas, waxaana la arkayay ka qeyb-galayaasha bandhiggaas oo ku mashquulsan akhriska sheekadaas, Xubno ka mid ah akhristayaashaas ayaa laga soo xigtay inay ku faraxsan yihiin helida sheekadaas, iyaga oo hoosta ka xariiqay qisadaas inay u qoran tahay hannaan casri ah oo akhriste walba soo jiidan karta.
Qisada Maana-faay waa hormuudka sheekooyinka ku qoran afka hooyo, waana qisadii ugu faafida badneyd uguna caansan sheekooyinka Soomaaliyeed, waxayna u qoran tahay hab casri ah oo kuu saamaxayo inaan akhriskeeda ka xiisa dhicin.














