Carwadii buuggaagta Kismaanyo oo intii u dhaxaysay 7-9 Luulyo 2019-ka si habsami leh uga socotay magaalada Kismaanyo ayaa si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyay, Xafladii xiritaanka bandhiggaasi oo si wanaagsan loo soo agaasimay  ayaa waxaa ka soo qeyb-galay madax ka socotay maamulka Jubbaland.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland iyo Wasiirka Qorsheynta Dawlad Goboleedkaasi oo gunnaanadkii carwadaasi ka hadlayay ayaa sheegay hal-abuurka carwdaasi  lagu soo bandhigay inuu ahaa  mid la jeclaysan karo, waxayna u mahad-celiyeen dadkii soo qaban-qaabiyay bandhiggaasi.

 Guddoomiyaha Madasha Akhriska iyo Qoraalka ee Maan-Kulan Mukhtaar Reexaani Xaashi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu u mahad-celinayo dhamaan xubnihii ka soo qeyb galay carwadaasi, waxaana uu tibaaxay inay ka go’an tahay  sannad walba walba inay qabtaan carwadaasi.

 Gunnaandkii carwadaasi ayaa qaar ka mid ah qorayaashii martida ahaa iyo kooxdii ka shaqaynaysay hannaan socodka carwadaasi waxaa la guddoonsiiyay  Shahaado-Sharaf  lagu dhiiri-galinayay waxqabadkooda.