Magaalada Kismaanyo oo ah Xarunta Ku-meel-gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Jubbaland ayaa lagu wadaa 7/7/2019 inuu si rasmi ah uga furmo bandhig qiimo badan oo  loogu magac darey “Kismayo Book Fair”, bandhiggaas ayaa  la filyaa inuu noqdo Madal Aqooneed  aad u xiiso badan.

Aqoonyahanno isugui jira qorayaal, cilmi baarayaal, hal-abuuro, aqoon faafiyayaal iyo marti sharaf kale oo aad u fara badan ayaa carwadaasi lagu casuumay, kuwaasi oo ka kala imaan doono daafyaha kala duwan ee caalamka.

Masuulyiinta lagu marti-qaaday bandhiggaas waxaa ka mid ah  Guddoomiyaha akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Prof. Maxamed Daahir Afrax iyo madax kale oo ka tirsan Akadeemiyada, wafdiga AGA oo ka kooban dhawr xubnod waxaa  hogaamin doono Guddoomiye Afrax,  waxaana ka mid noqonayo Prof. Mustafa C/llaahi Feyruus oo ka mid ah madaxda Akadeemiyada, Wakiilka AGA ee Koonfur Galbeed Prof. Maxamed Cali Kalaay iyo xubno kale.

Carwadaas oo ah middii Seddexaad ee lagu qabto magaalada Kismaanyo  ayaa waxaa lagu soo bandhiggi doonaa buuggaag  aad u tayo badan, nasiib wanaag waxaa  buuggaagtaasi ka mid ah Qisada caan baxday ee Maana-faay, taasi oo dhawaan si casri ah dib loogu soo daabacay.