Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Prof. Maxamed Daahir Afrax  ayaa munaasabadda 59-guuradii ka soo wareegtay dhalashada Jamhuuriyadda Soomaaliya awgeed  waxa uu dhambaal  hambalyo ah u diray guud ahaan  shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay ka joogaan  caalamka.

Prof. Afarx ayaa iftiimiyay munaasabadda 1-da Luulyo inay tahay munaasabad qiimo badan oo kulmisa laba xafladdood oo waa-weyn, kuwaasi oo kala ah  Madax-bannaanida  Goboladii Koonfurta Soomaaliya iyo Midowga labadii Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, waxaana uu caddeeyay gobanimada maanta la haysto  in loo soo maray  halgan dheer, isaga oo  ummadda u rajeeyay inay sannadkaan  sannadkiisa kale ku gaaraan nabad, horumar iyo  jawi farxad leh.

Sannad walba marka la gaaro  1-da Luulyo ayaa guud ahaan wadanka Soomaaliya waxaa looga dabaal degaa xornimadii Gobolada Koonfureed  iyo waliba  israacii  Waqooyi iyo Koonfur oo si shuruud la’aan ah u dhaliyay Jamhuuriyadda Soomaaliya.