Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa guud ahaan shucuubta Islaamka ah, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed u direy dhambaal hambalyo ah oo ku aadan munaasabadda Ciidul-fidriga, waxaana uu dhambaalkiisa ku caddeeyay inuu shacabka u rajaynayo inay ku ciiddaan jawi farxadeed oo uu weheliyo caafimaad qab iyo rayn-rayn.
Prof. Afrax ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu ugu duceynayo muslimiinta caalamka oo dhan siiba shacbiga Soomaaliyeed inuu Alle ka aqbalo waajibaadkii bishii Ramadaan oo ay soo guteen, isaga oo u rajeeyay in sannadkan sannadkiisa kale uu ku gaarsiiyo nabad, barraare iyo horumar.
Sannad walba marka la gaaro ciidda loo yaqaano Ciiddul-fidriga oo ka mid ah labadda ciiddood ee uu Alle siiyay addoomadiisa ayaa dunida islaamka waxaa looga dabaal-degaa farxadda ay leeyihiin maalmahaasi ciidda.