Madal qurux badan oo macno iyo mug-waynba loo yeelay ayay Akadeemiye- Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) u samaysay bandhigga buuggi Maana Faay. Qisada sheekada Maana Faay ayaa dhowaan Muqdisho loogu sameeyay bandhig ay AGA soo abaabushay, iyadana ay garwadeen ka ahayd .
Bandhigga ayaa loo xulay madal markaa la is-lahaa way ku habboon tahay bulshaduna xiiso iyo xamaasad gaara ayay siin karaan. Saacadda ballanta ee warqadaha casuumaadda waxaa ay ku wargalsanayd in lagu soo aruuraa howlka bandhigga amminta 9ka subaxnimo, iyadoo qiyaasta caadaduna ahayd in dadka la sugaa illaa iyo sagaalka iyo barka subaxnimo.
Nus saaca faraqana loo qaato mid ay dadku ku soo aruurayaan, hase yeeshee sidii la filayey way noqon wayday oo waxaa dhacday in dad ay goobta bandhigga soo xaadiraan 7da subaxnimo. Waxaa ay taasi marqaati ka noqotay sida ay dadka reer Muqdisho ugu baahi qabaan Qisada Caan baxday ee Maana Faay oo ah sheeko faneed hab casri ah oo ay farshaxannimo wehliso loo qoray.
Inta loogu tala-galay casuumaadda in ka badan ayaa goobta soo xaadirtay, tan la yaabka lahayd ayaa ahayd ugu yaraan ku dhowaad 500 oo qofood oo madal isugu yimid hadana aamusan .
Indhaha ka qayb-galayaasha waxaa si wayn u soo jiitay habka ay fadhiga u agaasimeen guddiiga anshaxa oo ahayd in gabdho iyo wiilaal fadhiga loo kala saaro madaxda iyo masuuliyiinta loo baneeyyay safafka hore .
Bandhigga oo loo qorsheeyay hab casri ah, horayna aan magaalada Muqdisho looga aqoon ayaa ay daawadayaal badan la yaabeen iyaga oo afka farxad iyo yaab lahaya ayay daqiiqad kadib sacabku is qabsadaa, waxaa la yaab lahayd in kulanka ay soo xaadireen masuuliyiin magac iyo maamuus bulshada ku dhex leh, walibana mid walbaa marka uu arkay habka agaasinka ayuu codsaday in kelmad lasiiyo, hase yeeshee talagalka oo aan saamaxeen ayaa looga cudur daaray .
Aqoon wadaagga buugga loo sameeyay ayaa isna ahaa mucjisa kale oo dadka reer Muqdisho ku cusub, si layaab leh oo ay aqoon, xeeldheernimo iyo xilkasnimana leh ayaa sheekada buugga loo sameeyay.
Isagoon qofna booskiisa ka istaagin ayaa loo sheegay in bandhigii u dhamaaday isaga oo ruux walba leh waqtiga miyaa nagu yaraaday, mise waala soo gaabiyay ? tan ayaa iyana ahayd qiimayn kale oo muujinaysay baahida buugga loo qabay.
Dadka bandhigga dhammaystay waxay isugu jireen laba qayb, qayb nasiib u yeelatay oo buugga iibsatay iyo qayb aan iibsan buugga lagase dheehan karay wajiyadooda sida ay uga xunyihiin in uusan buugga gacantooda soo galin .
TODOBAAD KADIB BANDHIGII MAANA FAAY IYO MUQDISHO
Waxaa inta badan kula kulmaysaa bartamaha magaalada dhalinyaro socoto oo qaarkood ay gacanta ku sitaan buugga Maana Faay, waxaan si kaftan ah u waydiiyay midka mid ah dhalinyarada nasiibka u yeeshay in uu calfado buugga Maana Faay, halka uu buugga ka iibsaday, wuxuu ii sheegay in uu mid ka mid ah meelaha buugaagta lagu iibiyaa uu ka gatay, wuxuu hadalkiisa ii raaciyay waa sheeko dhalinyarada taabanaysa oo kaftan kaliya .
Waxaa ku salaamaya markaad magaalada maryso dad kala duwan waxaa ay ku waydiinayaa in bandhig kale buugga loo samaynaayo iyo intaan kaliya in uu ku sinnaa ?
Buugga waxaa uu dadka ku reebay xusuus aan qalbigooda kabaxayn, waana buug qisadiisa si waynloo jeclaystay.