Jaalliyadda Soomaalida ee magaalada Birmingham (UK) ayaa xalay oo ku beegneyd 16/5/2019 waxay  xaflad isugu jirtay afur iyo casho sharaf  u sameeysay Guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed  Batuula Sh. Axmed Gaballe.

Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomalaiga (AGA)  ee wadanka Ingiriiska Prof. Cabdulqaadir Ruumi  oo munaasabaddaasi ka hadlay ayaa si qoto dheer uga war- bixiyay  halganka ay Akadeemiye-Goboleedka Af Soomaaliga ugu  jirto  hiilka afka hooyo iyo hal-abuurkiisa.

Prof. Ruumi oo hadalkiisa sii wata ayaa kula  dar-daarmay Guddoomiyaha Haweenka Qaranka iyo ururkeedaba  inay horseed ka noqdaan ololaha la xiriira hiilka afka hooyo, waxaana uu goobtaasi guddoonsiiyay nuqullo ka mid ah Warsidaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.

Guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka  Batuula Sh. Axmed Gaballe oo iyaduna munaasabaddaasi ka hadashay ayaa soo dhaweysay dadaalka ay Akadeemiyada AGA  ugu jirto daryeelka afka hooyo, waxayna  balanqaaday inay ka qeyb qaadan doonaan  hiilka afka Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa.

Masuuliyiin  ka mid ah  madaxda Jaalliyadda Soomaalida  ee magaalada Birmingham(UK)  oo iyaguna  Xafladdaasi ka hadlay ayaa  bogaadiyay doorka shariifka ah oo ay haweenka Soomaaliyeed  ka qaataan dib u dhiska dalka.