“Waxaan dhammaan dadka muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan shacbiga Soomaaliyeed ugu tahniyaddeynayaa bilawga bisha barakaysan ee Ramadaan, Waxaana Alle uga baryayaa inuu u fuddudeeyo gudashada waajibaadkaas diiniga ah” ayuu yiri Dr. Afrax.
Guddoomiyaha AGA oo hadalkiisa sii wata ayaa Shacabka Soomaaliyeed kula dar-daarmay inay u hawl-galaan sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen kheyraadka bisha Ramadaan, waxaana uu ku baaqay in la isu naxariisto, isla markaana loo kaalmeeyo dadka aan waxba haysan, isaga oo ummadda u rajeeyay bishan bisheeda kale inuu ku garsiiyo nabad, kheyr iyo barwaaqo.