Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa 10/4/2019 waxa uu si rasmi ah u magacaabay madaxda cusub ee Akadeemiye-Goboleedka wakiilka uga noqon doono qaar ka mid ah laamaha Qaaradda Yurub.
Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ayaa Markii uu arkay qododobka 30-aad faqraddiisa D ee xeerka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.
Markuu u kuur-galay baahida ay Akadeemiyadu u qabto ballaarinta laamaha Yurub iyo dar-dargalinta waxqabadkooda.
Markuu tixgaliyay aqoonta qotada dheer ee aqoonyahannada wareegtadani tooska ugu socoto, kuwaas oo dadaal badan iyo juhdi weyn galiyo guud ahaan horumarinta afka Soomaaliga iyo qoraalkiisa, gaar ahaan hirgalinta hawlaha Aakdeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.
Wuxuu aqoonyahannada hoos ku xusan u magacaabay xillalka mutadawacnimo ee ku kala hor qoran magacyadooda.
1-Cabdulqaadir Ruumi ………..Wakiilka AGA UK, ahna kaaliyaha Wakiilka Yurub.
2-Xuseen Maxamed C/lle (Wadaad) ……………..Wakiilka AGA ee Sweden.
3- Boodhari Warsame…………….Kaaliyaha Wakiilka AGA ee Sweden.
Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa wakiiladaas kula dar-daarmay inay u hawl galaan sidii ay uga soo dhalaali lahaayeen xilalka loo igmaday, waxaana uu Alle uga baryay inuu u fuddudeeyo waajibaadka horyaalo.














