Ilaa shalay waxaa xusuustayda ka dhammaanla’ raad-reebka wacdarihii xafladdii ay University of London iyo Urur-dhaqameedka Kayd ee ay wadajir ugu maamuuseen inay soo bandhigaan daabacaadda cusub, siina tifaftiran ee buugga sheekadii caanbaxday, MAANA-FAAY iyo inay London ku soo dhaweeyaan qoraageeda.

Waxay ahayd xaflad ay soo cammireen boqollaal isugu jira qorayaal, abwaanno, barfasoorro iyo aqoonyahano kale. Xusuus ma-guuraan ah waxaa igu reebay laba arrimood:-

1) meesha xafladda lagu qabtay oo ahayd jaamacad an sannado badan ka waddey cilmi-baaris, sannado badanna ka soo maqnaa, iyo waliba madasha lagu kulmay oo ahayd ALUMNI LECTURE THEATRE, waa isla goobtii beri hore la igu guddoosiiyey shahaadada diktooraatka (PhD).

2) Tan 2-aadna waa dadkii kulanka ka soo qaybgalay oo in badan ahaayeen saaxiibbo qaali ah oo aan muddo dheer is moogeyn, sida Dr Martin Orwin, qoraa Saciid Jaamac, qoraa Cadiraxmaan Abtidoon, Barfasoor C/qaadir Ruumi, ikk oo dhammaantood madasha ka jeediyey erayo qiima badan oo ay ku bogaadinayeen buugga iyo qoraagiisa.

Saaxiibada kaloo aan fursaddaas isku helnay waxa ka mid ahaa Dr Cab/wali Maxmuud Gurey, oon muddo dheer is Moogeyn, Cab/rashid Sh. Xasan oo aan abaal badan u hayo, qoraa Maxamed-baashe X. Xasan, Abwaanad Caasha Luul, qoraa Xalwa-shamis iyo qaar kaloo badan.