Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa magaalada Gothenburg ee wadanka Sweden waxaa lagu gudoonsiiyay deeq buuggaag ah oo loogu tala galay in lagu wareejiyo Guddoomiyaha Aga.
Qoraaga Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad) oo wakiil ka ahaa maamulka Madbacadda Laashin ayaa Guddoomiyaha AGA Dr.Maxamed Daahir Afrax ku wareejiyay Shan Buug oo ka mid ah wax soo saarka dhinaca buuggaagta ee Madbacadda Laashin .
Buuggaagtaas oo ah kuwo aad u qiimo badan ayaa dhamaantood waxay ku qoran yihiin afkeena hooyo, waxayna kala yihiin:-
1- Buugga Noloshii Sillooneyd oo uu qorey (Cabdiraxiim Hilowle Galeyr)
2-Buugga Hilaadin oo uu qorey (Bashiir Maxamed Xersi)
3- Buugga Gaso, Ganuun iyo Gasiin oo uu qorey (Prof.Cali Jimcaale Axmed)
4- Buugga Bidhaamiye oo uu qorey Al-fannaan (Bashiir Cali Xuseen)
5.- Buugga Godob iyo Gallad oo uu qorey Aqoonyahan (Xuseen Maxamed Cabdulle Wadaad).
Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka oo hadal kooban ka soo jeediyay munasabaddaas ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay buuggaagta la guddoonsiiyay, waxaana uu tilamaamay inay buuggaagtaasi qeyb weyn ka qaadanayaan hiilka afka hooyo maadaama ay ku qoran yihiin afkeena hooyo.














