Curinta sheekadu waa xirfad ku salaysan hibo iyo barasho, sheekooyinka qoran waxay abuureen nooc cusub oo farriimaha loo soo gudbiyo. Waxaa xusid mudan sheekadii caan baxday ee Maana-faay oo cusub inay dib uga soo if-baxday Qaaradda Yurub.
Sheekadan waxaa si qurux badan loogu daabacay dalka Ingiriiska, waxaana daabacday shirkadda Looh Press. Qisada buugga Maana-Faay waxaa curiyay mahadi ha gaartee Dr. Maxamad Daahir Afrax oo ah qoraa hibo u leh tebinta farriimaha sheekooyinka qoran.
Maana-faay waa sheeko raad xusuus leh ku reebtay dadka akhristay. Abwaan Hadraawi ayaa laga Hayaa:- Maxaa qalinku sheekiyo, qubanaha dharaartiyo . Kolba qodob la yaab lihiyo, mahadhooyin qorayaa.
Sida qorshuhu yahay 30-ka Maarso 2019 ayaa lagu wadaa buugga sheekada Maana-faay in Daah-fur ballaaran loogu sameeyo magaaladda Gothenburg ee dalka Sweden, munaasabaddaas oo haatan si mug leh loo qaban-qaabninayo ayaa la filayaa inay noqoto dhacdo taariikhda baal Dahab ah ka gasha.
23-kii bishaan ayaa horey magaalada Bristol (UK) waxaa loogu soo bandhiggay Qisada buugga Maana-faay, dhanka kale waxaana lagu rajo weyn yahay in magaalooyin kalana lagu qabto bandhigga Maana-faay, kuwaasi oo soo codsadey.
















