Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Bristol  ee dalka Ingiriiska oo uu hormuud u ahaa Ururka Horumarinta Dhaqanka Iyo Af Soomaaliga (HADHSO) ayaa Shahaado Sharaf waxa ay guddoonsiiyeen qoraaga Qisadii caan baxaday ee Maana-faay ahna Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Prof. Maxamed Daahir Afrax.

Hogaamiyaha ururka  HADHSO Md, Axmed Dhagaxtuur ayaa  23/3/2019 waxa uu  Shahaado Sharaftaas   guddoonsiiyay  Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka (Aga), waxaana uu  sheegay inay ku faraxsan yihiin  shahaadadaas  ay guddoonsiiyeen  qoraaga Qisadii Maaa-faay, isaga oo caddeey in Dr. Afrax uu u qalmo Shahaado iyo wax ka badan,

Guddoomiyaha AGA ahna qoraaga Qisada Maana-faay Dr. Maxamed Daahir Afrax oo isna munaasabddaas ka hadlay ayaa sheegay reer Bristol inuu uga mahad celinayo Shahaadada ay guddoonsiiyeen, waxaana uu  balan-qaaday inuu halkiisa ka sii ama-baqaadi doono dadaalka hagar la’aaneed ee uu ugu jiryo hiilka  afka Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa.

Horey ayaa Shahaadooyin, Biladdo iyo Abaal-marino kale oo isugu jira heer Caalami , heer Qaaradeed iyo heer Qaran waxaa loo guddoonsiiyay Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax.