Kulan  wada-tashi ah oo ay isugu yimaadeen masuuliyiin ka socotay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA)  iyo madax matalaysay Naadiyada Akhriska iyo Qoraalka ayaa shalay oo ku beegneyd 20/3/2019  waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho.

Bare Sare Mustafa C/llaahi Feyruus oo ka mid ah Guddoonka  Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga  ayaa ugu horeyntii sheegay inay Akadeemiyadu  ku faraxsan tahay xiriirka soo jireenka ah iyo wada shaqeynta ay  la leedahay Naadiyada Akhriska iyo Qoraalka, waxaana uu Naadiyada uga mahad-celiyay  shaqooyinkii ay Akadeemiyada la soo qabteen.

Bare Sare Mustafa C/llaahi  oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay kulankaasi  in diiradda lagu saari doono Qiimeynta sannadkii la soo dhaafay, hannaankii looga Wada-tashan lahaa shaqooyinka 2019-ka  iyo Baahiyaha ay qabaan Naadiyada ee ku aadan  dhinacyada tababbarsiinta, la talinta iyo  sidii  looga taageeri  lahaa gudashada hawlahooda, isaga oo  caddeeyay inay Akadeemiyadu  ka go’an tahay tixgalinta tallooyinka ay soo gudbiyaan Naadiyada.

Guddoomiyaha Naadiga  Banaadir Khaddar Cabdi C/llaahi,  Guddoomiyaha Naadiga Hillin-hayaan C/qaadir Axmed Jubba, Guddoomiyaha Naadiga Xamar  Saciido Muxyadiin {Midnimo}  iyo Wakiilo  matalayay Naadiga Tusmo iyo Jiilul Amal  oo  iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay wax badan ka faa’iideysteen  tababbaradii ay Akadeemiyadu siisay sannadkii 2018   iyo kuwii ka sii horeeyay, iyaga oo soo jeediyay tallooyin ay ka mid ahaayeen:-

1-In la sameeyo  Wacyi-galin xoog badan oo ku aadan afka Soomaaliga.

2- In  tababbarada la baahiyo oo la  gaarsiiyo da’ yarta cusub ee aan wali helin furasdihii hore iyo dhallinyarada ku sugan Gobalada wadanka.

3-In  dib loo soo celiyo tababbaradii ku saabsanaa “Turxaan Bixinta Afka Soomaaliga” iyo  midkii ku saabsanaa “Daleynta ama Astaameynta Qoraalka”.

4-In la qabto tababbaro cusub oo  ku taxaluqa  fahamsiinta Naxwaha afka Soomaaliga, Tifaftirka buuggaagta, Tallo siinta hannaanka ugu haboon ee wax loo qoro ama loo akhriyo .

5–In tababbarada la qaban doono  lagu soo daro tababbaro ku saabsan dhanka Saxaafadda.

6- In casharada baxaya la duubo lana baahiyo, si loola wadaago da’ yarta daneysa  akhriska iyo qoraalka ee ku nool dalka dibaddiisa iyo talloooyin  kale oo xiiso badan.

Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga  iyo Naadiyada  ayaa waxaa  ka dhaxeeysa wada shaqeyn wanaagasan, waxaana  dhaqan u ah inay  sannad walba ka wada-tashtaan hawlaha ay wada qaban karaan labada dhinac.