Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa maanta oo ku beegan 19 Maarso 2019 waxa uu u amba-baxay wadamo ka tisrsan Qaaradda Yurub, si  uu uga qeyb-galo bandhigga loogu tala-galay buugga sheekadii caan baxday ee Maana-faay, taasi oo dhawaan  si casri ah loo daabacay.

Prof. Maxamed Daahir Afrax oo ka hor intii aanu ka dhoofin magaalada Muqdisho u warramayay Degalka (Website) AGA  ayaa sheegay in socdaalkiisa uu ku saabsan  yahay laba ujeedo oo waa-weyn, waxaana uu caddeeyay ujeedada hore  ee safarkiisa  inay la xiriirto sidii uu qaar ka mid ah dalalka reer Yurub uu uga qeyb-gali lahaa bandhigyo ka dhacayo wadamadaas oo loo qorsheeyay in lagu Daah-furo buugga sheekadii xiisaha badneyd ee Maana-faay.

Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka oo hadalkiisa sii wata ayaa iftiimiyay ujeedada kale ee socdaalkiisa inay ku aadan tahay xoojinta Laamaha Akadeemiyada ee ku kala yaalo wadamada uu booqanayo, isaga oo dhanka kale carrabka ku dhuftay maalmaha uu joogo Qaaradda Yurub inuu si guud ula kulmi doono Jaalliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Qaaraddaas, si uu ugu baraarujiyo hiilka afka Soomaaliga.

Bandhiga koowaad ee sheekada Maan-faay ayaa 23 Maarso waxa uu ka dhici doonaa magaalada Bristol  ee dalka Ingiriiska,  sidoo kale Daah-fur aad u qurux badan oo loogu tala-galay Maana-faay ayaa 30-ka Maarso 2019  waxa uu  ka dhici doono magaalaada Gothenberg ee wadanka Sweden.

Nasiib waxaa leh intii fursad u hesha ka qeyb-galka bandhigyadaas ka kala dhacaya dalalka Ingiriiska iyo Sweden, sharaf ayay u tahay dadkaasi inuu Daah-furkaasi kala qeyb galayo qoraagii sheekada Maana-faay Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ah horyaalka curinta sheekooyinka casriga ah.