Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa munaasabad qiimo badan oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee afka hooyo waxa ay ku qabatey magaalada Garoowe oo ah xarunta Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
Munaasabaddaas oo qeyb ka aheyd Toddobaadka afka hooyo oo ay Akadeemiye-Goboleedku ku kala qabanaysay dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ayaa waxaa ka soo qeyb-galay madax ka socotay Akadeemiyada Aga, maamulka Jaamacadda PSU, Wakiilo matalayay ururada bulshada deegannadaas iyo xubno ka socday ardayda Jaamacaddaha, Dugsiyada iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay xafladaas.
Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ee Puntland aqoonyahan Maxamed Shiikh Xasan (Af-Guriye) oo furitaankii munaasabaddaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada uu leeyahay afka Soomaaliga, waxaana uu si qoto dheer u iftiimiyay in afka Soomaaliga uu yahay af hoddon ah oo wax walba lagu cabiri karo.
“Inkastoo afkeeenu uu yahay qani ayaa nasiib-darro waxaa haysta dayac aad u weyn, meelaha ugu darran ee uu dayacu ka haystana waxaa ka mid ah xarumaha Iskuulada oo aan inta badan lagu dhigin, xafiisyada Dawladda oo sidii saxda aheyd aan looga shaqeynin iyo goobaha ganacsiga oo aad arkayso in irid kasta lagu qorey af shisheeye” ayuu yiri Wakiilka Aga ee Puntland oo bulshada u soo jeediyay inay u dhaga-nuglaato sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen Tabliiqeynta Akadeemiyadu ugu jirto ilaalinta iyo hiilka afka Soomaaliga.
Aqoonyahan Maxamed Sheikh Xasan ooo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay qof kasta waajib ku tahay ilaalinta afkiisa hooyo, waxaana uu carraabka ku adkeeyay inay Akadeemiye-Goboleedku ka go’an tahay daryeelka iyo horumarinta afka Soomaaliga, isaga oo bidhaamiyay inay taariikhda xusi doonto cid kasta oo gacan ka gaysata nooleynta afka Soomaaliga.
Munaasabaddaas waxaa iyaguna ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda PSU Dr. Axmed Shire Axmed, Dr, C/risaaq Faarax iyo Drs, Luul Maxamed Warsame oo ka tirsan maamulka Jaamacaddaas, kuwaas oo si diirran u soo dhaweeyay dadaalka ay Akadeeemiyada Aga ugu jirto daryeelka afka Soomaaliga, waxaana ay sheegeen in afka Soomaaliga uu ka mid yahay afafka lagu dhigo Jaamacadda PSU, iyaga oo balan-qaaday sidii ay halkooda uga sii wadi lahaayeen hiilka ay ugu jiraan afkeena hooyo.
Qaar ka mid ah hal-abuurada Puntland ayaa munaasabaddaas ku soo bandhiggay suugaan ay kaga qeyb qaadanayeen xuskaas loogu tala-galay maalinta caalamiga ah ee afka hooyo, sidoo kale waxaa isla xafladdaas qeyb ka haa barnaamij isugu jiray hal-xiraalayaal iyo su’aalooyin ku saabsanaa afka Soomaaliga.
Sannad walba marka la gaaro 21 Febraayo ayaa dunida oo idil waxaa laga xusaa maalinta caalamiga ah ee afka hooyo, magaalada Garoowe-na waxay ka mid tahay magaalooyinka uu xuskaasi sannad kasta lagu qabto.