Magaalada Edmonton ee caasimadda Gobolka Alberta-Canada- ayaa si weyn looga xusay maalinta “Afka Hooyo”. Barnaamijkaan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey laanta Akadeemiyada ee waddanka Kanada, iyada oo bulsha-weynta Soomaaliyeed ay aad ugu farxeen kulankaas.
Xafladda ayaa waxaa ka soo qayb-galay bulshada qaybeheeda kala duwan sida; siyaasiyiinta, odayaal dhaqameed, hooyooyin, dhallinyaro iyo dadka u ololeeya afka iyo dhaqanka Soomaaliga. Ugu horreyn waxaa xafladda aayado Qur’aana ku furey Sh. Jaamac Nuur Oday oo kamid ah culumida madaalada Edmonton, isaga oo dadkii meesha ka soo qaybgalay ku waaniyey inay afkooda iyo diintooda haystaan.
Intaas kaddib waxaa barnaamijka furey Wakiilka AGA ee Kanada Md, C/risaaq Ismaaciil Xaashi (Cirro) oo si weyn uga sheekeeyey taariikhda iyo waxtarka Akadeemiyada AGA, ayaa yiri “Waxaan nahay tabliiq dhinaca dhaqanka iyo afka ah” Cirro ayaa dadkii meesha isugu yimid u sheegay in Hay’addaan oo ay ku mideysan yihiin waddamada; Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ay u taagan tahay, horumarinta iyo kobcinta:- Aqoonta, Afka Soomaaliga, Qoraalka iyo Hal-abuurka.
Mudane Cawil oo oday ka ah ururka Somali We Care ayaa si weyn ugu ammaanay Akadeemiyada howlaha ballaaran oo ay ka waddo daafaha adduunka, isaga oo sidoo kale sheegay inay garab weyn ugu baahan yihiIn akadeemiyada iyo shacabka Soomaaliyedba, sidii af Soomaaliga loogu dari lahaa manhajka gobolka Alberta.
Intaas kaddib waxaa hadalka qaatay Bashir Xaaji Cali (Jamaal) oo madax ka ah ururka Somali Canadian Education and Rural Development Organization, oo ku dheeraaday taariikhdii AfSoomaaliga, qoriddiisii iyo guddiyadii ka soo shaqeeyey isaga oo ugu dambayna ku ammaanay AGA doorkeeda facaalka ah ee ay ka qaateen u istaagidda afka iyo dhaqanka.
Wasiirkii hore ee Duulista Hawada Soomaaliya Md, Cabdi Guuleed oo isna goobta ka hadlay ayaa dadka ku guubaabiyey in da’yarta AfSoomaaliga la baro, isaga oo sheegay in ummaddaha la degan waddanka guryahooda looga hadlo afkooda kaliya, halka Soomaalida guryahooda looga hadlo hadba afka waddanka ay joogaan.
Sahra Xaashi oo ah hooyo u doodda carruurta iyo haweenka Soomaalida Canada oo hadashay ayaa sheegtay in bulshada Soomaaliyeed ee Canada, gaar ahaanna carruurtu si weyn ugu baahan yihiin AfSoomaaliga iyo dhaqankooda in la baro.
Samafale Axmed Caynab oo kamid ah qaban-qaabiyayaashii xafladda ayaa Soomaalida ku dhiirri-geliyey inay afkooda iyo dhaqankooda u istaagaan.
Sh. Axmed Biixi oo kulanka soo xirey ayaa yiri “Baahi wayn baan maanta u qabnaa inaan afkeenna iyo dhaqankeenna ilaashanno, sida aan u rabno inaan diinteenna u ilaashanno waayo dhaqankeennu wuxuu ku salaysan yahay islaamka, waayo awoowayaasheenii hore dhaqankoodii wuxuu ahaa dhaqan islaan.














