Iyada oo wali lagu guda jiro Xuska Toddobaadka Afka Hooyo ayaa Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga  oo gacan ka haleysa maamulka Jaamacadda Golis ee magaalada Hargeysa waxa ay si wadajir ah ugu qabteen magaaladaas  xaflad  lagu maamuusayay xuska caalamiga ah ee 21-Febraayo oo ku asteysan  maalinta afka hooyo.

Munaasabaddaas  ayaa waxaa ka soo qeyb-galay madax ka socotay Laanta Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, maamulka Jaamacadda Golis, macallimiinta iyo ardayda Jaamacaddaas, sidoo kale waxaa xafladaas ka soo qeyb-glay  marti sharaf kale oo lagu  casuumay.

Wakiilka Laanta Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaliga (AGA)  ee magaalada Hargaysa  Md, Ismaaciil Aw-Aadan  (Jaa-juumow) oo ugu  horeyntii munaasabaddaasi ka hadlay ayaa  sharaxaad dheer ka bixiyay taariikhda iyo marxaladihii  uu soo maray afka  Soomaaliga , waxaana uu ku dheeraaday qiimiha gaarka ah  ee uu leeyahay afka hooyo,  faa’iidooyinkii  laga dhaxlay qoraalkiisa iyo xilka ummadda oo dhan ka saarran illaalintiisa.

“Akadeemiye-Goboleedka AfSomaaliga waa Hay’ad caalami ah oo u  xilsaaran  hiilka afkeena hooyo, xuska aan maanta Hargaysa ku qabanayno  waxa uu qeyb ka yahay xusas badan oo ay Akdeemiyadu ku kala dhigayso  daafyaha caalamka, nasiib wanaag sannadkaan waxay Qaramada Midoobay u aqoonsatey inuu noqdo sannadkii horumarinta afka hooyo, maadaama xuska  maalintaan  uu  labaatan jirsatey” ayuu yiri Wakiilka Aga ee magalaada Hargaysa oo intaasi raaciyay  inuu   afka hooyo yahay kan qura ee ka qeyb-qaadan karo  isfahamka, horumarka iyo dib-u-heshiisiinta bulshada.

Guddoomiye ku-xigeenka jaamacadda Golis ee magaalada Hargaysa Al-ustaad Xasan Cabdi iyo qaar ka mid ah macallimiintii munaasabaddaas ka soo qeyb-galay   ayaa si mug leh u  soo dhaweeyay xuska maalintaasi, waxayna balan-qaadeen inay diyaar u yihiin ka qeyb-qaadashada  daryeelka, dhiirigalinta iyo xuska afka hooyo,  iyaga oo caddeeyay inay ka go’an tahay sidii ay ardyada iyo ubadka wax ugu bari lahaayeen afka Soomaaliga.

Qaar ka mid ah suugaanleyda Soomaaliland  ayaa munaasabddaas ka soo jeediyay Maanso ka hadlaysay muhiimada uu leeyahay afka hooyo, gaba-gabadii xafladdaasi ayaa lagu balamay inay dhexda loo wada xerto hiilka afka hooyo iyo horumarintiisa.

Sannad walba ayaa 21 Febraayo waxaa  laga xusaa magaalada Hargaysa xuska maalinta caalamiga ah ee afka hooyo,  waxayna magaaladaas ka mid tahay goobo badan oo Akadeemiye-Goboleedka Aga  ay ku kala qabato xuska maalinta  afka hooyo.