Bandhig aad u qurux badan oo socday intii u dhaxeysay 6-7 Febraayo 2019-ka, looguna tala-galay in lagu soo bandhiggo hibada dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho.
Carwadaasi oo aad loo jecleystay ayaa waxaa lagu soo bandhiggay naqshad loo ekaysiiyay Taangiga Dagaalka, farshaxano aad u qurux badan, hal-abuur ganacsi, naqshadaha dharka Aroosyada iyo lebbiska haweenka ee gaarka ah, daawooyin ay farsameeyeen dhallinyaro Soomaaliyeed, buuggaag ay qoreen wiillal iyo gabdho da’ yar ah iyo agabyo kale.
Dooddo aad u xiiso badan oo lagu faaqidayay waayaha dhallinyarada iyo musataqbalkooda ayaa si baahsan looga hadlay, dooddahaasi oo aad looga helay ayaa si gaar ah waxaa diirada loogu saaray qoddobo ay ka mid ahaayeen:- caqabadaha iyo fursadaha hor-yaalo dhallinyarada, doorka dhallinyarada ee dhinacyada siyaasadda, waxbarashada, ganacsiga, wax soo saarka, wacyigalinta, dib u dhiska wadanka, isboortiga, fanka iyo mowduucyo kale oo aad loogu helay.
Qaar ka mid ah dhallinyaradii ka qeyb-gashay carwadaasi ayaa sheegtay inay si weyn u soo jiidatay carwadaasi, waxayna caddeeyeen inay wax badan ka faa’iideen, iyaga oo u mahad-celiyay dhallinyaradii soo abaabushay carwadaas ee ka socotay bandhigga hibada dhallinyarada Soomaaliyeed.
Waa markii ugu horeysay ee bandhig ceynkaan oo kale ah lagu qabto magaalada Muqdisho.















