Duqa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug Md, Yaasiin Cabdi-samad Cumar ayaa ku amray dhammaan goobaha ganacsiga, kuwa waxbarashada iyo xarumaha kale ee ku yaalo magaaladaas inay u isticmaalaan xayeysiinta boorarkooda afka hooyo ee Soomaaliga.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha ayaa lagu faray goobaha kala duwan ee ganacsiga, waxbarashada iyo xarumaha kaleba inay afka Soomaaliga ku daraan tabbeelayaasha xayeysiinta ee ku dhagan goobahooda ganacsiga.
“Si looga hor-tago in uu dabar-go’ afkeenna hooyo ee Soomaaliga, waxaa lagu wargalinayaa dhammaan ganacsatada, goobaha waxbarashada iyo cid kasta oo albaab u furan yahay, in afka Soomaaliga lagu daro tabbeelayaasha xayaysiinta ee goobtu leedahay, lana siiyo muhiimada koowaad ee cinwaanka goobta” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Duqa magaaladaas.
Md, Yaasiin Cabdi-samad ayaa bulshada Degmadaasi u soo jeediyay inay xil iska saaraan illaalinta afkooda hooyo, waxaana uu shacbiga ka dalbadey inay iska daayaan muhiimada ay siinayaan afafka qalaad.















