Shir looga hadlayay sidii loo qaban lahaa Aqoon-wadaag ku saabsan xuquuq-dhawrka Milki Maskaxeedka Hibada Qoraalka ayna ka soo qeyb galeen Gudoonka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga iyo  qaar ka mid ah xubnaha Akadeemiyadaas  ayaa maanta oo ku beegan 5/2/2019 waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax oo kulankaasi shir guddoominayay ayaa xubnaha Akadeemiyada la wadaagay hawlaha  horyaalo  sannadka 2019 ee la doonayo in wax laga qabto, waxaana uu sheegay inuu rajaynaayo in sannadkaan ay wax badan u qabsoomi doonaan Aga, isagoo ku ammaanay xubnaha Akadeemiyada sidii naf hurnimada laheyd ee ay ugu soo guuleysteen  shaqooyinkii  u qorsheysnaa sannadkii hore.

Mar uu Guddoomiyaha Aga ka hadlayay Madasha soo socoto ee Aga oo la filayo in lagu gorfeyn doono dhawrida xuquuqda fekerka iyo baahida loo qabo sidii Sharci loogu sameyn lahaa ayaa caddeeyay in la soo gaarey xilligii  bulshada Soomaaliyeed lagu baraarujin lahaa illaalinta xuquuqda dhinaca fekerka, waxaan uu farey xubnaha Akadeemiyada in ay u hawl-galaan sidii loo qaban lahaa Aqoon-wadaagaas.

  Aqoon-wadaagaas  ku aadan  dhawrida xuquuqda fekerka ayaa waxaa ka soo qeyb gali doono aqoonyahano kala duwan oo isugu jiri doono  Sharci yaqaano, Qorayaal,  Hal-abuuro iyo Wakiilo ka socda bahda Waxbarashada, Fanka iyo qeybaha kale ee bulshada, waxaa lagu  han-weyn yahay inuu noqdo mid wax badan laga faa iideysan doono.