Masuul sare oo ka mid ah maamulka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga  (AGA) ayaa nuqulo ka mid ah buugga Haldoor waxa  uu guddoonsiiyay masuuliyiin ka tirsan Jaamacadda PSU ee magaalada Garowe ee Dawlad Goboleedka Puntland.

Madaxa Teknoolajiyada ee AGA Eng. Axmed Faarax Saalax ayaa shalay oo  taariikhdu ay ku beegneyd 28/ 01/ 2019 waxa uu nuqlo ka mid ah Buugga Haldoor iyo Warsidaha AGA uu guddoonsiiyay madaxa Maamulka Ardayda iyo diiwaan-galinta Jaamacadda PSU  ee Garowe Md, Maxamed Axmed Maxamed.

Hadal kooban uu halkaasi ka soo jeediyay Eng. Axmed Faarax ayaa sheegay inay Aga ku faraxsan tahay inay Jaamacadda PSU ay soo gaarsiiso qaar ka mid ah buugga Haldoor, waxaana uu ka sheekeeyay macluumaadka qiimaha badan ee uu xambaarsan yahay buuggaasi.

Masuuliyiinta PSU oo iyaguna munaasabaddaasi ka hadlay ayaa sheegay inay Jaamacaddoodu wax badan ka faa’iido doonto buuggaasi,  iyaga oo dhan kale soo dhaweeyay dadaalka ay Akadeemiye-Goboleedka ugu jirto hiilka afka Soomaaliga.

Buugga Haldoor ayaa ka hadlaya Taariikh Nololeedkii iyo Dhaxal Cilmiyeedka Guddoomiyihii ugu horeeyay ee Guddigii Qoraalka farta Soomaaliga Danjire Shariif Saalax, waxaana buuggaasi  soo saaray Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.