Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo xarunta Aw-Jaamac Cumar Ciise ayaa maanta oo ku beegan 29/12/2018 waxa ay xarunta Akadeemiyada Aga ee magaalada Muqdisho ay ku wada yeesheen wada-hadalo ku saabsan xoojinta afka Soomaaliga.
Prof. Mustafa C/llaahi Feyruus oo ka mid ah madaxda sare ee Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo ka hadlayay kulankaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu xarunta Aga ku soo dhaweeyo masuuliyiin ka socota xarunta Aw-Jaamac, waxaana uu si qoto dheer uga warbixiyay taariikhda, aas-aaska iyo waxqabadka Akadeemiyada, isaga oo carrabka ku dhuftay inay Aga u taagan tahay daryeelka iyo hiilka afka hooyo.
“Hawlaha ugu waa-weyn ee Akdeemiyadu qabato waxaa ugu muhiimsan cilmi baarista afka hooyo iyo ku baraarujinta bulshada qiimaha uu leeyahay afkooda, nasiib wanaag sannadka 2018 waxa ay Aga ku guuleysatay soo saarsita buugga Haldoor iyo tababbar siinta in kabadan laba Boqol oo dhallinyaro ah” ayuu yiri prof. Mustafa oo guddoonsiiyay madaxdaasi hadiyaddo ka kooban Buuggaag, nuqlo ka mid ah Warsidaha Aga iyo agab kale.
Agaasimaha xarunta Aw-Jaamac Cumar Ciise Md, Maxamed Xasan Cirro oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ka mahad naqayo sida loogu soo dhaweeyay xarunta Aga, waxaana uu soo jeediyay in la xoojiyo wada shaqeynta u dhaxeyso labada dhinac, isagoo dhinaca kale ka hadlay hawlaha ay qabato xrunta Aw-Jaamac ee fadhigeedu uu yahay magaalada Nairobi.
Kulankaasi oo ku dhamaaday jawi wanaagsan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubo ka tirsan Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga iyo qaar ka mid ah qorayaasha Soomaaliyeed.















