Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA)  Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa tacsi gaar ah u diray Agaasimaha Warsidaha Aga Axmed Maxamed  Dhicisow  oo walaalkiis Marxuum Aadan Maxamed Dhicisow uu ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Prof. Afrax ayaa marxuumkaasi Alle uga barayay inuu Jannadiisa ka waraabiyo, kitaabkiisana uuu middigta ka siiyo, marti la jecel yahay inuu ka dhigo, qoyskii iyo eheladii uu ka baxayna samir iyo iimaan inuu illaah  ka siiyo.

Dhinaca kale tacsi taas la mid ah waxaa dirayo goosanka  Akadeemiyada ee  Muqdisho oo kala ah Prof. Mustafa Feyruus, Cabdi-naasir Yuusuf, Cali Cigaal, C/casiis  Goobdoon, Caaqil Axmed faarax, Deeq Xersi, C/llaahi Gacanka, C/llaahi Xasan, C/qaadir Shire, Seynab Xaaji Axmed “Ugbaad” iyo Dayax Axmed Maxamed, dhamaan xubnahaas  waxay Agaasimaha Warsidaha Aga uga tacsiyeynayaan Marxuumka geeriyooday, waxayna Alle uga baryayaan inuu Jannada ka waraabiyo.

Adduunyadu waa safar, qof walbana maalin ayuu ka tagayaa, ma-dhinte waa illaah ee Alle ha u naxariisto  Marxuum Aadan Maxamed Dhicisow oo ku xijaabatay magaalada Muqdisho

Innaa Lillaahi Wa-Innaa Illeyhi Raajicuun!