Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa dhambaal Tacsi a ah u diray maamulka sare ee teleefishinka Universal, waxaana uu dhambaalkiisa ku sheegay isagoo ka xun inuu ka tacsiyeeynayo geeridii naxdinta laheyd ee ku timid wariye Cawil Daahir Salaad iyo shaqaalihii kale ee ka geeriyooday taleefishinkaas.
Prof. Afrax ayaa dhambaalkiisa ku sheegay inuu si aad ah uga naxay geeridii ku timid hawl-wadeenkii Universal Tv, waxaana uu tilmamay maamulka taleefishinkaasi in uu la qeybsanayo dhibaatada soo gaartay.
“Anigoo ku hadlayo magacayga iyo kan Akadeemiyada Aga, waxaan taleefishinka Universal uga tacsiyaynayaa geeridii ku timid wariye Cawil Daahir iyo shaqaalihii kale ee la socday, waxaana marxuumiintaasi Alle uga baryayaa inuu Jannadiisa ka waraabiyo, qoyskii, saaxiibadii iyo guud ahaan ummadda ay ka baxeena uu smir iyo iimaan ka siiyo” ayuu ku yiri dhambaalkiisa Guddoomiyaha Aga.
Alle ha u naxariistee wariye Cawil Daahir Salaad ayaa 22/12/2018 ku geeriyooday qarax ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka, marxuumka ayaa ka mid ahaa wariyaasha ugu caansan gayiga ay Soomaalida degto!