Mas’uuliyiinta guddiga fulinta ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa ugu hambalyeeyay guddoomiyaha Akademiyada Macallin Saciid Saalax Axmed hanashada billadda caalamiga ah ee “Live Time Achievement”.

Guddoomiye kuxigeennada Akademiyada Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad) & Md. Ismaaciil Cabdi oo ku hadlayay magaca xubnaha guddiga fulinta ayaa Macallin Saciid Saalax ku bogaadiyay abaalmarinta caalamiga ah ee lagu guddoonsiiyay magaalada London, waxayna caddeeyeen in Macallinku uu u qalmo billaddaas iyo wax ka badan.

Guddoomiyaha AGA ayaa 25/10/2026, waxaa uu ku guulaystay billadda caalamiga ah ee “Life Time Achievement”, taasoo ay bixiso hay’adda dhaqanka ee Kayd oo fadhigeedu uu yahay magaalada London.