Hay’adda dhaqanka ee Kayd Art and Culture ee xarunteedu tahay London, UK oo sannad walba qabata barnaamijka caan baxay ee Toddobaadka Dhaqanka Soomaalida (Somali Week Festival) ayaa xalay oo ay taariikhdu ahayd 25/10/2026, waxay abaalmarinta la siiyo shakhsiyaadka intii ay hawlahooda ku jireen muujiyey halyeynimo gaar ah ee “Life Time Achievement” guddoonsiisay Macallin Saciid Saalax Axmed oo ah guddoomiyaha Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA.

Macallin Saciid Saalax Axmed oo ah macallin, barbaariye, qoraa, suugaan curiye, riwaayad qore, filim sameeye, aasaasihii iyo madaxii kooxdii caan baxday ee Iftiin ee wasaaradda waxbarashada iyo barbaarinta, jaamacado dhowr ahna wax ka dhigay, wuxuu magac iyo sumcad weyn ku dhex leeyahay bulshaweynta Soomaaliyeed.

Barnaamijka abaalmarinta oo uu si xiisa leh u daadihinayey weriyaha caanka ah C/salaan Hereri ayaa waxaa heeso qiiro leh ka qaaday kooxdii Iftiin ee uu Macallin Siciid aabbaha u ahaa sida Sayid Khaliifa, Caddey Cali, Maryan Ruun, Faarax Beerreey, Nimca Yaasiin iyo weliba fannaaniin kale oo ay ka mid yihiin Nasri, Iskilaaji, Nimca Deggen iyo qaar kaloo badan.

Barnaamijka oo lagu qabtay hoolka tiyaatarka ee Queen Mary University, waxaa ka soo qaybgalay dad badan oo caan ah, kuwaasoo soo buux dhaafiyay hoolkii ay xafladda ka dhacaysay.

Abaalmarinta, waxaa macallin Saciid Saalax guddoonsiiyey qoraaga caanka ah Nuuradiin Faarax oo ka mid ah qarayaasha ugu caansan uguna horreeya qaaradda Afrika. Macallin Siciid iyo Nuuridiin waxay ka sheekeeyeen intii ay is yaqaaneen oo ah marka laga soo bilaabo 1971kii iyo jaamacaddii Lafoole.

Ugu dambayntii, Macallin Siciid Salaax wuxuu si weyn ugu mahadnaqay hay’adda dhaqanka KAYD, hoggaamiyaheeda Ayaan Canshuur, maamulka sare iyo intii gacanta ka geysatay. Waxaa xusid mudan in ay munaasabadda goobjoog ka ahaayeen xubno ka tirsan AGA, shakhsiyaad caan ku dhex ah bulshada Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay madaxa shirkadda weyn ee Dahabshiil mudane Cabdirashiid Maxamed Siciid iyo saaxiibbo kale.

W/D: Cabdiraxmaan M. Abtidoon