Safiirka cusub ee Dawladda Turkiga wakiilka uga ah wadanka Soomaaliya Ambaasadore Mehmet Yılmaz ayaa maanta oo ku beegan 12/12/2018 waxa uu booqasho ku yimid xarunta ku-meel-gaarka-ah ee Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho.
Danjire Mehmet Yılmaz ayaa xarunta dhexe ee Akadeemiyada Aga waxaa si diirran oo kalgacal leh ugu soo dhaweeyay masuulyiin ka tirsan madaxda sare ee Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.
Madaxa Teknoolajiyada Aga Caaqil Axmed Faarax Saalax iyo Xoghaynta Guud ee Akadeemiyada Seynab Xaaji Axmed (Ugbaad) ayaa Safiirka uga warbixiyay hawlaha ay u xil saaran tahay Akadeemiyada, dalalka ay ka hawl gasho, waxqabadkeeda iyo dadaaalka ay ugu jirto daryeelka afka Soomaaliga, iyaga oo halkaasi ku guddoonsiiyay haddiyado kala duwan oo isgu jiray Buuggaag ay soo saartay Akadeemiyada, Nuqulo ka mid ah Warsidaha Aga iyo qalabka hiddaha dhaqanka Soomaalida.
Ambaasadore Mehmet Yılmaz oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inu ku faraxsan yahay inuu soo booqdo xarunta Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, waxaana uu Akadeemiyada ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jirto u hiilinta afka Soomaaliga, isagoo balanqaaday inuu gacan ka gaysan doono shaqoooyinka ay qabato Akadeemiyada Aga.
Booqashada Safiirka ayaa la xiriirtay sidii uu xog-ogaal ugu noqon lahaa hawlaha ay qabato Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, waxayna booqashadaasi aheyd mid sii adkaynaysa xiriirka ka dhaxeeya Akadeemiyada iyo Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.















