Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa  yeelatay shir balaarran oo looga hadlayay dhamaystirka qorshayaashii u yiilay ee sannadka 2018-ka oo haatan aynu gaba-gabadiisa joogno.

Kulankaasi oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga  Prof.  Maxamed Daahir Afrax ayaa si qoto dheer waxaa looga hadlayay tabbabaradii  ugu dambeeyay oo ay qabatey  Akadeemiyada, soo saarista caddadkii Afaraad ee Warsidaha Aga, warbixin laga dhagaystay madaxdii Akadeemiyada ee safarka ku tagtay magaalada jig-Jiga iyo qoddobo kale oo aad u xiiso badnaa.

Prof. Afrax oo kulankaasi ka hadlay ayaa ku bogaadiyay xubnaha Aga sida ay ugu soo dhalaaleen  meel-marinta qorshayaashii  Akadeemiyada  u yiilay sannadka sii dhamaanayo ee 2018-ka, waxaana uu carrabka ku dhuftay tabbbabaradii ugu dambeeyay ee ay Aga qabatay bishii November inay ahaayeen tabbabaro lagu guuleystay.

“Dadaalka waa in la sii laba-laabtaan,  hawlaha dhiman waa in sida ugu dhaqsiyaha  badan loogu dhaqaaqaa, waxaana  jeclaan lahaa in aad dhexda u xerataan  sidii aad hawlahiina  ugu guuleysan laheydeen sannadka  cusub ee 2019 ” ayuu yiri Prof Afrax.

Prof. Mustafe C/llaahi Feyruus oo ka mid ah madaxda sare ee Akadeemiyada iyo Xoghaynta Guud  ee Aga Seynab Xaaji Axmed (Ugbaad)  oo iyaguna kulankaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay shaqooyinkii ugu dambeeyay ee u qabsoomay Goosanka Aga ee Muqdisho iyo hannaankii uu u dhacay safarkii ay madaxda Aga ku tageen magaalada Jig-jiga, iyagoo oo caddeeyay in labada dhinacba guul laga gaarey.

Kulankaas oo ku soo gaba-gaboobay jawi aad u wanaagsan  ayaa qeyb waxa uu  ka ahaa kulamada joogtada ah  oo ay  isku xog-wareystaan madaxda iyo xubnaha Aga ee fadhigoodu uu yahay magaalada Muqdisho.