?

Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ee K/Galbeed Prof. Maxamed Cali Kalaay oo kaashanayo Hay’adda New Horizon ayaa ku qabtay magaalada Baydhabo madal lagu soo bandhigay buug cusub oo uu qoray qoraa Soomaaliyeed.

Bandhigga buuggaasi oo si qurux badan  loo soo agaasimay  ayaa waxaa ka soo qeyb galay aqoonyahanno, dhalllinyaro, haween iyo qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan magaalada  Baydhabo  ee xiiseeysa akhriska iyo qoraalka buuggaagta.

Wakiilka Aga ee K/Galbeed ahna Guddoomiyaha Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya Prof. Maxamed Cali Kalaay oo ka hadlayay munaasabaddii furitaanka bandhigaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qabashada madashaas, waxaana uu tibaaxay in bandhiggaani uu yahay  midkii Afaraad ee noociisa ah ee lagu qabto magaalada  Baydhabo, isagoo halkaasi ka balan-qaaday inay ka go’an  tahay  sidii ay Baydhabo ugu qaban lahaayeen bandhigg caalami ah oo ku saabsan dhinaca buuggaagta  (Baidoa Book Fair).

Madashaas waxaa isna ka hadlay qoraaga  buugga  10-ka Sababood ee Abaaraha Keena  qoraa Maxamed Cabdi-salaam  (Mr. Caalin), waxaana uu ka sheekeeyay macluumaadka uu xambaarsan yahay  buuggaasi iyo sida ay ummaddu uga faa’iidaysan karto, isaga oo goobtaasi uga mahad-celiyay Wakiilka Aga ee K/Galbeed oo suuraga-galiyay bandhiggaasi qiimaha badan.

Madasha lagu faaqido buuggaagta ee loo yaqaano “Qoraaga iyo Buugga”,  waa madal  bishiiba  hal mar lagu qabto  magaalada Baydhabo, waxaana  loogu tala-galay sidii bulshada loogu baraarujin lahaa hoddontinimada afka Soomaaliga iyo qiimaha ay leeyihiin akhriska & qoraalka.

?
?

?