Bandhig suugaaneedkii caalamiga ahaa ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo intii u dhaxaysay 17-19 bishan ka socday magaalada Jigjiga ayaa waxaa lagu soo gaba-gabeeyay hoolka shirarka ee Sayid Maxamed oo ku yaalo xarunta Dawlad-Deegaanka Soomaalida Ethiopia.
Bandhiggaas oo si qoto dheer looga hadlay taarikhdii uu lahaa Sayid Maxamed Cabdille Xasan ayaa ahaa midkii ugu horeeyay ee noociisa oo kale ah oo la qabto, waxaana ka soo qayb galay abwaanno, qorayaal, oday dhaqameedyo, siyaasiyiin iyo dad kale oo caan ah, kuwaasi oo ka kala yimid dhulalka ay Soomaalida degto.
Seddexdii maalmood ee uu socday bandhiggaasi oo aad loo jecleystay ayaa gaba-gabadiisa waxaa laga soo saaray War-Murtiyeed ka kooban dhawr qodobo oo muhiim ah, waxaana ka mid ahaa:-
1- In la dhiiri-galiyo cilmi baarista ku saasban suugaanta Soomaaliyeed, gaar ahaan middii Daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan.
2-In la joogteeyo bandhigyada noocan oo kale ee afka iyo suugaanta kor loogu qaadayo, isla markaana la qabto sannadkiiba hal mar ama labadii sannaba mar, si bulshada Soomaaliyeed xiriirkeeda u sii noolaado.
3-In la illaaliyo dadkii taariikhda ku lahaa gayiga Soomaalida haddii ay ahaan lahaayeen Abwaan ama Halgamaa.
4-In la iska xil saaro xasuusinta taariikhda Sayid Maxamed Cabdille Xasan.
5- In 100 sanno-guurada geeridii Sayidka oo ku beegan 2020, xilligaas haddii la gaaro waa in meel walba oo ay Soomaalida degto lagu qabto xussas balaarran oo lagu weyneynayo taariikhdii & waxqabadkii Sayid Maxamed Cabdille Xasan.
Munaasabaddii xeritaanka bandhiggaasi ayaa goob joog waxaa ka ahaa madax ka socotay Dawlad-Deegaanka Soomaalida Ethiopia, masuuliyiinta Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo marti sharaf kale oo aad u badan.















