Bandhig aad u balaarran oo loogu magac-darey Bandhig-suugaaneedka Caalamiga ah ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaa  17/11/2018,  waxa uu si rasmi ah uga furmay hoolka Sayidka ee xarunta Dawlad-Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee  magaalada Jig-jiga.

Bandhiggaan oo ah midkii ugu horeeyay ee noociisa ah ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Madax ka socotay Dowlad-Deegaanka Soomaalida, masuuliyiinta Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), Abwaanno, qoraayaal, Ehelada Sayidka, Ehelada Darwiishkii weynaa Ismaaciil Mire iyo Ehelada Garaad Wiil-Waal,  marti ka kala socotay magaalooyinka Muqdisho, Jabuuti, Hargaysa, Kismaanyo, Garowe,  Soomaalida Qurbaha, Salaadiin, Isinno, Garaady iyo dadweyne aad u fara badan.

Furitaankii bandhiggaas ayaa hadal uu munaasabdaas ka soo jeediyay Wasiirka Madaxtooyada Dawlad-Deegaanka Soomaalida Md,  Cabdirisaaq Sh. C/raxmaan waxa uu  madashaas ka aqriyay salaan iyo fariin uu ka siday Madaxweyne Mustafa, waxaana uu caddeeyay Madaxweynahu inuu  jeclaa ka soo qayb-galka  bandhiggaas hase yeeshee  fursadda ay u saamixi weyday.

La-taliyaha Madaxweynaha  Sh. Ibraahin Maxamed Xuseen oo ku hadlayay  magaca  qaban-qaabiyaasha bandhiggaas  ayaa si kooban u uga hadlay ujeeddada bandhigga, waxaana uu halkaasi uga mahad-celiyay  dhamaan martidii ka soo qeyb gashay bandhigaas.

Qoraaga Axmed Faarax Cali (Idaajaa) oo isna ka hadlay  munaasabdaas ayaa si qoto dheer uga sheekeeyay  taariikhdii Sayidka, waxaaan uu fagaarahaas ka akhriyay qaar ka mid ahaa gabayadii Sayid Maxamed C/lle Xasan.

Bandhiggaas ayaa qeyb waxaa ka ahaa Buuggaag fara badan oo madashaas lagu soo bandhiggay, waxaana buuggaataas ka mid ahaa  Diiwaanka Sayidka & Taariikhdii Daraawiishta.

Bulshada  magaalada Jigjiga ayaa si diirran u soo dhaweeysay bandhig suugaaneedka ka socda magaaladooda, waxayna  sheegeen in arrintaas ay horseed u noqoneyso is dhexgalka ummadda Soomaaliyeed & kobcinta afka Soomaaliga.

Warkaan waxaa magaalada Jigjiga ka soo dirtay:-

Xoghaynta Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA)

Seynab Xaaji Axmed (Ugbaad) oo ka mid ah marti sharafta

ka qeyb-galeysa bandhiggaasi Caalamiga ah