Kulan gaar ah oo ay isugu yimaadeen wasiirrada ku bahoobay Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa shalay galab oo ku beegneyd 10/2/2026, waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankaasi oo uu guddoominayay Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Soomaaliya Md, Faarax Shiikh Cabdulqaadir ayaa Wasiirradda AGA, waxaa kala qaybgalay guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga & guddoomiye kuxigeennada Akademiyada.

Ugu horreyn, guddoomiyaha Akademiyada Macallin Saciid Saalax Axmed ayaa wasiirka Waxbarashada Faarax Cabdulqaadir guddoonsiiyay Dikumenti (Document) ka kooban xeerka AGA, qorshe hawleedka Akademiyada, xogwarran ku saabsan Akademiya Goboleedka & faylal kale oo muhiim ah, sidoo kale, guddoomiyaha AGA, wuxuu Dikumenti kale oo la mid ah midkii uu wasiirka guddoonsiiyay uu ku wareejiyay Danjire Maxamed Cabdi Afey oo ka socday dalka Kenya oo ka mid waddamada ku mataanaysan Akademiya Goboleedka.

Sidoo kale, waxaa Dikumenti kuwaa hore la mid ah la guddoonsiisay Wasiir kuxigeenka Dhaqanka & Dalxiiska Dawlad Deegaanka Soomaalida Md, Salaad Dhabbar Yuusuf, waxaana guddoonsiiyay guddoomiye kuxigeenka AGA Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad).

Wasiir Faarax Cabdulqaadir oo fadhigaasi ka hadlay ayaa sheegay inay dawladda Soomaaliya ka go’an tahay taageerida & garabistaagga Akademiya Goboleedka, isagoo caddeeyay inuu Madaxweynaha Soomaaliya gaarsiin doono farriinta Akademiya Goboleedka.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Dhaqanka & Dalxiiska Dawlad Deegaanka Soomaalida Md, Salaad Dhabbar oo isna fadhigaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu dawladiisa gaarsiin doono dikumentiga lagu wareejiyay, wuxuuna bogaadiyay dadaalka Akademiya Goboleedka ee ku aaddan horumarinta af Soomaaliga.

Danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa isna fadhigaasi ka sheegay inuu dikumentigaasi gaarsiin doono madaxda dalkiisa, gaar ahaan wasaaradda dhaqanka ee dalkaasi, isagoo ku celceliyay intii karaankiisa ah inuu istaaggi doono noolaynta & xoojinta af Soomaaliga ee waddanka Kenya.

Gabaggabadii fadhigaasi, waxaa ka hadlay Guddoomiyaha AGA Macallin Saciid Saalax oo Wasiirka waxbarashada uga mahadnaqay martigalinta fadhigaasi, isagoo iftiimiyay in Akademiyadu ay ka go’an tahay sidii ay u fulin laheyd waajibaadka loo igmadey.

Fadhigaasi oo ku dhammaaday jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye kuxigeennada AGA Dr. Xuseen Wadaad, Dr. Cabdinaasir & Md, Ismaaciil Cabdi.