Shir gaar ah oo looga hadlayay horumarinta af Soomaaliga, ayna ka soo qaybgaleen Wasiirro ka socday dawlad deegaanka Soomaalida, guddoomiyaha AGA & xubno ka tirsan guddiga fulinta ee Akademiyada ayaa 5/3/2026, waxa uu ka dhacay magaalada Jigjiga.

Shirkaas oo socday in muddo ah ayaa waxaa lagu gorfeeyay sidii ay dawlad deegaanka Soomaalida & Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta af Soomaaliga & qaabkii kor loogu qaadi lahaa shaqooyinka iyo hawlgallada rugta AGA ee DDS.

Wasiirka Madaxtooyada DDS Dr. Xuseen Qaasim oo kulankaasi shirguddoominayay ayaa caddeeyay dawlad deegaanka Soomaalida inay soo dhawaynayso dadaalka Akademiya Goboleedka ee ku aaddan xoojinta af Soomaaliga, isagoo ballanqaaday inay gacan siin doonaan rugta Akademiyada ee DDS.

Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Macallin Saciid Saalax oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa wasiirka Madaxtooyada DDS uga warbixiyay hawlaha Akademiyada ee ku saabsan xoojinta af Somaaliga, waxaana uu la wadaagay taageerada looga baahan yahay dawlad deegaanka ee dhanka adeegga af Soomaaliga, isagoo halkaasi ku guddoonsiiyay dikumentigii ka soo baxay kalfadhigii wasiiradda dawladaha & guddiga fulinta AGA.

Kulankaasi oo ku dhammaaday jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiir kuxigeenka xafiiska dhaqanka iyo dalxiiska DDS Md. Salaad Dhabbar, mas’uuliyiinta AGA ee rugta DDS & xubno ka tirsan gudiga fulinta AGA.