Shalay oo ku beegneyd 4/3/2026, ayaa xarunta dhexe ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga ee magaalada Muqdisho, waxaa lagu qabtay soojeedin ku aaddan buugga Afkaal oo loogu talaggalay inay dadka ajaaniibta ah ka bartaan af Soomaaliga.
Qoraha buugga Afkaal aqoonyahan Maxamed Cabdulqaadir Daa’uud (Istansa) oo ka mid ah guddiga af Soomaaliga ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka & Suugaanta ayaa soo jeedintaas la wadaagay xubno ka kala socday guddiga Ereybixinta & Tarjumaadda AGA & hawlwadeenno ka tirsan xeeldheerayaasha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga.
Ustaad Maxamed Cabdulqaadir Daa’uud (Istansa) oo ah xeeldheere afeed & qoraa ruugcaddaa ah ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay nuxurka & qaybaha uu ka kooban yahay buugiisa cusub ee Afkaal, waxuuna iftiimiyay in buugga Afkaal uu ku qoran yahay luqadaha af Soomaaliga & af Ingiriiska oo is fasiraya, isagoo caddeeyay in buugaasi loogu talaggalay inay af Soomaaliga ku bartaan dadka ajaaniibta ah.
Madaxa waaxda Naxwaha Akademiyada Barasare Cabdalla Cumar Mansuur, madaxa waaxda Qaamuusaynta AGA Prof. Mustafa C/llaahi Fayruus, agaasimaha qaybta waxbarashada ee xarunta Akademiyada C/qaadir Cabdi Axmed (Jubba), madaxa qaybta Ereybixinta & Tarjumaadda xarunta dhexe ee Akademiyada Cabdiwali Maxamed Shariifka & xeeldheerayaasha kala ah C/qaadir Diini, Maxamedwali & Maxamuud Cabdi Xaanshow ayaa qoraha buugga Afkaal ku bogaadiyay soo saarista buugaas qiimaha badan, iyagoo dhanka kale, qoraha buugga u soo jeediyay talooyin wax ku ool ah oo isugu jirey sixitaan, wax ka beddel & wax ku kordhin.
Aqoonyahan Istansa oo gabaggabadii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo talooyinka lagu biiriyay, wuxuuna hoosta ka xarriiqay inuu ka mahadnaqayo sida wanaagsan ee loogu dhaweeyay xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga.















