Munaasabad aad u ballaaran oo loogu talaggalay baalfurka buugga “Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika”, uuna ka soo qaybgalay Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, wasiirro, xildhibaanno, aqoonyahanno & marti sharaf aad u badan ayaa habeenkii xalay ahaa oo ku beegneyd 27/3/2026, waxaa lagu qabtay magaalada Jigjiga.
Ugu horreyntii, waxaa munaasabadaas oo si qurux badan loo soo agaasimay ka hadlay Ergayga Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee dalka Kenya, ahna qoraha buugga Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika; Danjire Maxamed Cabdi Afey, wuxuuna si qotadheer uga hadlay nuxurka & qaybaha uu ka kooban yahay buugiisa, isagoo bogaadiyay sida ay Dawlad Deegaanka u martigalisay bandhigga buugiisa.
Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida; Md Mustafa Maxamuud Cagjar oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in buugga Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika lagu soo bandhigo Dawlad Deegaanka Soomaalida, wuxuuna xusay inuu Dawlad Deegaanka ka mid yahay meelaha uu buugga ka hadlayo, isagoo u rajeeyay bulshada ku dhaqan Geeska Afrika inay wax badan ka kororsan doonto.
Gabaggabadii, munaasabadaasi ayaa qoraha buugga, waxa uu u saxixay buugga “Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika” qaar ka mid ah dadkii iibsaday buugaasi qiimaha badan.
Horay ayaa buugaasi, waxaa loogu soo bandhigay magaalooyin ka mid ah dalalka geeska Afrika.

















