Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Macallin Saciid Saalax Axmed ayaa maanta oo ku beegneyd 3/3/2026, waxaa uu magaalada Jigjiga uga qaybgalay saminaar aqooneed, ay soo qabanqaabisay jaamacadda Jigjiga ee Dawlad deegaanka Soomaalida.
Saminaarkaasi oo si wanaagsan loo soo agaasimay, waxaa bixinayay Dr. Tamara Prischnegg oo ah khabiir dhanka luuqadaha ah, kana tirsan jaamacadda Vienna ee dalka Austria.
Dr. Prischnegg, oo aheyd macallimadii saminaarkaasi bixinaysay ayaa ah macallimad afafka Soomaaliga iyo Amxaariga ka dhigta dalka Jarmalka, waxayna sameysay manhaj gaar ah oo loogu talagalay ardayda barata afafkaas, kaasoo si weyn uga qaybqaatay horumarinta barashada afafka geeska Afrika ee Yurub.
Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Macallin Saciid Saalax Axmed oo ka hadlay gabaggabadii saminaarkaasi, ayaa bogaadiyay jaamacadda Jigjiga ee soo agaasintay saminaarkaas, isagoo soo jeediyay talooyin ku aaddan cilmibaarista afka, dhaqanka, suugaanta & ballaarinta saminaarada la xiriira cilmi afeedka.
Siminaarkaasi oo ku soo dhammaaday jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Maryan C/llaahi Warsame oo ka tirsan guddiga fulinta AGA & Macallin Maxamuud oo ka mid ah mas’uuliyiinta Akademiya Goboleedka ee dawlad deegaanka Soomaalida,