Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoyska, qaraabada, aqoonyahanka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed oo uu ka baxay Allaha u naxariistee, Prof Cali Jimcaale Axmed oo ahaa aqoonayhan, cilmibaare, qoraa iyo hal-abuure Soomaaliyeed, kaasoo 31/3/2026 ku geeriyooday waddanka Maraykanka.

 “Innaa lillaahi, wa Innaa Ileyhi raajicuun. Waxaan tacsi u diraynaa qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee, Marxuum Prof. Cali Jimcaale Axmed oo ka mid ahaa tiirarkii aqoonta iyo suugaanta Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay xarunta AGA.

Akademiyada AGA ayaa marxuumka Alle uga baridey inuu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Marxuum Prof. Cali Jimcaale Axmed ayaa ahaa halyay waxtar badan u lahaa ummadda Soomaaliyeed, waxaana lagu xasuusan doono qoraalladii uu tagey iyo buugaagtii uu soo bandhigay, kuwaasi oo uu ugu caansanaa buugga qiimaha badan ee “Gaso, Ganuun iyo Gasiin.