Xaflad aad u ballaaran oo lagu maamuusayay xuska 21 Febraayo oo ku astaysan maalinta caalamiga ah ee afka hooyo, ayna ka soo qaybgaleen Wasiirro, Xildhibaanno, maamulka G/Banaadir, madaxda labada Akademiyo & mas’uuliyiin kale ayaa maanta oo ku beegan 21 Febraayo 2026, waxaa lagu qabtay xarunta AGA ee magaalada Muqdisho.
Kusimaha guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) & Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka & Suugaanta Barasare Cabdalla Cumar Mansuur & Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo ugu horreyntii munaasabadaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay taariikhda ay leedahay maalinta afka hooyo, waxayna hoosta ka xarriiqeen in labada Akademiyo ay ka go’an tahay sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen horumarinta af Soomaaliga, iyagoo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen hiilka af Soomaaliga.
Wasiirka Shaqada & Shaqaalaha Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow, Xisaabiyaha Qaranka Maxamed Dheere & guddoomiye kuxigeenka G/Banaadir Cabdicasiis Cabdow oo iyaguna halkaasi ka hadalay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan dadaalka labada Akademiya ee ku aaddan ilaalinta af Soomaaliga, iyagoo halkaasi ku soo bandhigay talooyin kala duwan.
Wasiirka Waxbarashada Faarax Cabdulqaadir oo soo xiray munaasabadaas ayaa sheegay inuu guud ahaan ummadaha caalamka gaar ahaan shacbiga Soomaaliyeed uu ugu hambalyaynayo xuska maalinta afka hooyo, wuxuuna ku dheeraaday muhiimmadda uu leeyahay afka hooyo, isagoo balanqaaday qabashada shir cilmiyeedka af Soomaaliga.
Munaasabadaas ayaa goobjoog waxaa ka ahaa midowga dugsiyada G/Banaadir, bahda jaamacadaha dalka, hawlwadeennada labada Akademiyo, naadiyada akhriska & qoraalka iyo marti sharaf kale oo aad u badan, waxayna ku soo dhammaatay jawi wanaagsan.



















